Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Madaxweynaha Cuba Oo Madaxda Soomaaliya iyo Kenya kala Hadlay Ddhakhaatiirta Laga Afduubtay Mandheera.



Fri 19 April 2019.

Madaxweynaha dalka Cuba Miguel Diaz-Canel ayaa qadka taleefanka kula hadlay Madaxda Soomaaliya iyo Kenya isagoo kala hadlay sii deynta labo dhakhtar oo toddobaadkii la soo dhaafay laga afduubtay dalka Kenya.

Diaz-Canel ayaa ku sheegay Twitterkiisa inuu kala hadlay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo sidii dadaal xoog leh loogu geli lahaa inay si ammaan ah dib ugu soo laabtaan labada dhakhtar ee la afduubtay.

Lix maalmood kahor ayaa Dhakhtar Assel Herrera iyo Landy Rodriguez ayaa lagu weeraray magaalada Mandhera, iyagoo ku sii jeeda goob ay ka howlgalayeen, waxaana la diley mid kamid ah ilaalada dhakhaatiirta.

Labada dhakhtar ayaa qeyb ka ah koox shaqaale caafimaad ah oo Cuban ah kuwaasoo adeeg caafimaad ka fulinayay deegaano ka mid ah dalka Kenya.

Laamaha ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in la kordhiyay ilaalada shaqaalaha caafimaadka ee dalka Cuba oo ku sugan deegaano ka mid ah dalka Kenya.



22 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines