Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Siyaasi Ramaax Oo Madaxweynaha Ku Dhaliilay Muwaadin Dhulkiisii Laga Xoogay Shacabkana Ugu Baaqay Inay U Hiiliyaan



Fri 19 April 2019.

Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax xoghayaha arimaha gudaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa ku dhaliilay madaxweyne Biixi inuu dhul ka qaaday muwaadin xaq u leh dhulkiisa, waxaanu xukuumada uga digay inay dhulkaas ay ka qaado muwaadinkaas.

Ramaax oo la hadlaayay HCTV waxa uu yidhi "Waxa maanta taagan mid xukuumada laftigeeda hoggaankii ugu sareeyay uu ku kacay waad arkaysaan Ina Xasan Dalab qaylada ka baxaysa caruurtiisii iyo hooyooyinkii, odayaashii waa dhibaato runtii ay ahayd in aanay kor u soo bixin ee ay tahay xaqoodii oo la duudsiyaayo oo xoog lagaga qaadayo oo xukuumadu u badheedhay iskana qaban la’dahay, xukunkii maxkamada ayuu haystaa, waxa uu xaq u leeyahay xukuumadu haddii ay u baahato dhul waa ay la wareegi kartaa laakiin waa in waxiisii loo celiyaa waa in wada xaajood iyo qancin la qanciyay ay timaadaa.”



22 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines