Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Muwaadin Reer Somaliland Oo Madaxweynaha Somaliland Ka Codsaday In Xoriyadooda Loo Soo Celiyo Labo Maxbuus Oo Xukunkooda Oo 20Sano ah Dhamaystay.



Wed 17 April 2019.

Muwaadin Reer Somaliland Oo Madaxweynaha Somaliland Ka Codsaday In Xoriyadooda Loo Soo Celiyo Labo Maxbuus Oo Xukunkooda Oo 20Sano ah Dhamaystay.
Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland
Ku: Madaxweyne Ku xigeenka. Jamhuriyada Somalilad
Ku: wasiirka Cadaalada Somaliland
Ujeedo: Cabasho Anigoo ah CABDIRASHIID MUXUMED JAAMAC waxan kacabanayaa maxaabiis kuxidhan jeelka dhexe ee HARGAYSA oo magacyadoodu kala yihiin
1. A.RAHMAN MUXUMED JAMAC
2. A.RAXMAN CISMAN YUSUF
labadaas maxbuus oo dhamaystay xukunkoogii oo ahaa 20 sano kuna beegnayd 26/02/2019 iyadoo loo soo celin waayay xoriyadoodii kadib markii ay dhamaysteen xukunkoogii loonasoo celin waayay xoriyadoodii ay xaqa ulahaayeen madama xukunkii ay dhamaysteen.
Labadaas maxbuus ee aan korkusoo xusay oo cunto joojin sameeyey xabsiga dhexdiisa gaar ahaan A.raxman Muxumed Jaamac oo ilaa maanta oo ay taariikhdu tahay 17/04/2019 aan wax cunto ah afkiisa saarin mudo lix cisho ah.
Sidaas darteed waxan codsi udirayaa Madaxwayanaha Jamhuuriyada Somaliland iyo madaxwayne kuxigeenka iyo wasiirka cadaalada Jamhuriyada somaliland in xukumanayaashaas xukunkoogii dhamaystay xoriyadoodii dibloogu soo celiyo sidii maxaabiistii lamidka ahayd xoriyadoodii dib loogusoo celiyey kadib markii ay dhamaysteen xukunkoogii.
Anigoo kurajo wayn in codsigayga latix galin doono insha allah.

ALLAA MAHAD LEH.



21 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines