Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Taliska Booliiska Oo War kasoo Saaray Khasaaraha Qaraxii Galabta ka Dhacay Muqdisho.



Wed 17 April 2019.

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa faahfaahin ka bixisay qarax maanta ka dhacay Isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho kaasoo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey.

Gen. Zakia ayaa sheegtay in gaariga qarxay Noociisu uu yahay Toyota Harrier, isl markaana la hordhigay dhismo u dhow isgoyska dabka ee magaaladda Muqdisho, kadibna uu qarxay, waxaana Qasaaraha ka dhashay Qaraxaasi ay ku sheegtay inay yihiin afar qof oo dhimasho ah iyo shan kale oo dhaawac ah.

“Gaari noociisu yahay Toyota Harrier oo la hordhigay dhismo u dhaw Isgoyska Dabka ayaa qarxay, Ilaa iyo hadda inta aan xaqiijinnay waa 4 dhimasho iyo 5 dhaawac ah, Waxaan tacsida iyo tiiraanyada la wadaagaynaa ehelada dadka dhintay, kuwa dhaawaca ahna Eebe degdeg ha u bogsiiyo” ayey tiri Gen. Zakia

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa shacabka Soomaaliyeed mar kale u baaqday in ay muujiyaan Taxaddar, islamarkaana Booliska iyo Laamaha ay kusoo war geliyaan Gawaarida laga Shakiyo.

“Waxaan mar kale u sheegeynaa shacabka in ay taxaddar muujiyaan oo ay Booliiska kusoo wargaliyaan gawaarida laga shakiyo iyaga oo soo wacaya 991” ayey mar kale tiri Gen Zakia.

 



25 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines