Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Madaxweyne Farmaajo Oo Warqadaha Aqoonsiga ka Gudoomaiy Safiiro Cusub.(Sawiro)



Wed 17 April 2019.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee Boqortooyada Baxrayn iyo Dowladda Burundi  u soo magacaabeen Soomaaliya Juma Axmed Alkabi iyo Mudane Remy Barampama.

Danjiraha cusub ee Boqortooyada Baxrayn Dr Juma Axmed Alkaabi ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan uu ka siday Boqorka Baxrayn, waxa uuna sheegay in dalkiisu uu aad u daneynayo in Soomaaliya uu la sameeyo iskaashi ganacsi gaar ahaan Xoolaha, Kaluunka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Safiirka cusub ee Baxrayn u ballan-qaaday in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan, si xiriirka labada dal loo xoojiyo.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa isla maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Burundi ay usoo magacaawday Soomaaliya Mudane Re’my  Barampama.

Madaxweyne Farmaajo  iyo Danjire Remy Barampama ayaa ka wada hadlay sidii loo dardargellin lahaa qodobadii kasoo baxay kulamadii bishii Febraayo ee sanadkan ay magaalada Bujumbura ku yeesheen Madaxweyne Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muadane Pierre Nkurunziza.



21 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines