Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Siyaasiyiin Is Casilaad Ugu Baaqay Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Lagu Xidhay Jigjiga.



Mon 25 March 2019.

Maamulka dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa xabsiga dhigay laba siyaasi oo aragti ahaan ka soo horjeeda madaxweynaha deegaanka Mustafe Muxumed Cagjar.

Labadan siyaasi oo kala ah Khadar Jikre iyo Axmed Nuur Maxamed ayaa lagu xidhay magaalada Jigjiga ka dib markii ay ka hadleen warbaahinta madaxa banaan isla markaana madaxweyne Mustafe Cagjar ugu baaqay inuu is casilo.

Siyaasiyiintan ayaa waraysiyada ay bixiyeen ku sheegay in madaxweyne Mustafe Cagjar uu ku guul daraystay xilkii uu hayey isla markaana loo baahan yahay inuu kursiga baneeyo.

Ciidamada amaanka ee magaalada Jigjiga ayaa siyaasiyiintan xabsiga dhigay ka dib markii ay is casilaada ugu baaqeen madaxweyne Mustafe Cagjar.

Maamulka deegaanka soomaalida Itoobiya ayaan ilaa hada ka hadal xadhiga labadan siyaasi iyo sababaha keenay.



13 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines