Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Ruushka Oo Diyaarado Dagaal iyo Ciidamo ku Caawiyay Venezuela.(Sawiro)



Mon 25 March 2019.

Labo kamid ah diyaaradaha dagaalka Ruushka ay la socdaan ciidamo aad u hubeesan ayaa gaaray dalka Venezuela, xili dalkaasi xiligan wajahayo xiisad siyaasadeed iyo mid bini’aadanimo.

Wakaaladda wararka ee Sputnik oo Ruushka laga leeyahay ayaa xaqiijisay diyaaradaha iyo ciidamada la socda ee gaaray dalka Venezuela, waxa ayna Wakaalada sheegtay in ciidamadan fulinayaan qandaraas milatari.

Ciidamada Ruushka ee tagay dalka Venezuela ayaa la sheegay in ay ka badan yihiin 100-askari, waxa ayna ciidankan wataan saanad milatari oo aad u badan sida uu xaqiijiyay Wariye arkay.

Dowlada Ruushka ayaa xiriir dhaw la leh dalka Venezuela ee kuyaala Koonfurta Qaarada Amerika, waxa ayna Ruushka taageero u muujiyeen Madaxweynaha dalkaasi Nicolás Maduro oo Mareykanka kusoo rogay  cunaqabateyn adag.

 

*******

 



15 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines