Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Gaadiidleyda Xamuulka Oo ka Qayliyay Lacago Sharci Darro ah Oo ay ka Qeaadaan Lix Shirkadood Oo Maamula Dekedda Muqdisho.



Wed 20 February 2019.

Waxaa sii xoogeynaya khilaafka u dhaxeeya gaadiidleyda Dekadda Magaalada Muqdisho ka soo daabusha alaabaha ka soo dega iyo sharkaddo maamula dekedda oo gaadiidleydu sheegeen in ay qaadaan lacago sharci darro ah.

Gaadiidleyda oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in halkii baabuur ee gudaha u galaya dekeda laga qaado lacag dhan 150 dollar, halka warqada loo jarayo ay ku qoran tahay oo kaliya in laga qaaday lacag dhan  10 dollar .

Abdullaahi Cali Mujaahid oo afhayeen u ah Gaadliidleyda  ayaa sheegay in aysan jirin cid wax ka qabaneysa sharci darrada lagu hayo, isaga oo intaa ku darray in lacag intaa la eg aysan awoodin gaadiidleyda.

Wuxuu sheegay in cabashadooda ay u gudbiyeen Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Oomaar una balan qaaday in uu arintan wax ka qabanayo balse aysan arintaasi dhicin, waxaa uuna sheegay in wasiirka raga baada ka qaata gaadiidka si kale wax ugu sheegeen go’aankiisana badaleen .

” Meel aan u dacwoon karnaa ma jirto, lacagaha nagala qaado ayaa cid kasta oo arinteena wax ka qaban laheyn qoondo ka qaadata, haddii aad dekedda tagto albaabka laga soo celinayaa, rag baa noo heshiiyay oo kala qeybsada lacagtan sharci darada ah ee noolaga qaado, Madaxda dowlada hadaan u caban laheyn rag baa naga hortaagan ” ayuu yiri Cabdulaahi Cali .

Gaadiidleyda ka cabaneysa shirkadaha lacagta baada uga qaada Dekadda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay qarka u saaran yihiin in ay shaqada joojiyaan, waxa ayna Madaxda dowlada ugu baaqeen in cabashadooda wax uga qabtaan si deg deg ah.

Gaadiidleyda alaabaha kasoo daabusha Dekadda Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in aysan ka gudbi karin labada koontarool ee Muqdisho ayna yaalaan isbaarooyin kale oo lacago kale oo baad ah looga qaadayo



54 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines