Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo oo Muqdisho lagu qabtay



Wed 20 February 2019.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka qeybgalay munaasabada Maalinta Caalamiga ee Afka Hooyo oo lagu qabtay Xarunta Akademiya Goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA ee magaalada Muqdisho.

Dhalinyarada qorayaasha ayaa ka dhex muuqday barnaamijka iyadoo kooxda fanka ee Hiddo ayaa soo bandhigay hees ka turjumaya afka iyo muhiimadiisa.

Guddoomiyaha Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA Prof Maxamed Daahir Afrax ayaa si faahfaahsan uga hadlay munaasabada waxaana uu ku dheeraaday sharaxaada muhiimada 21 Febaraayo, isagoo xusay in mudo todobaad ah ay socon doonaan Barnaamijyo lagu weyneynayo Afka kuwaas oo Akademiyadu Hormuud u tahay.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geele ayaa Akademiyada uga mahad celiyay qabashada Munaasabadan waxaana uu hoosta ka xariiqay sida dhalinyarada ay mas’uuliyad gaar ah uga saran tahay ilaalinta afka, waliba kuwooda qurbaha ku nool.

Sanad walba 21 Febraayo waxaa loo dabaal dagaa Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo iyadoo Soomaaliya si weyn looga xuso mar walbana la is xasuusiyo muhiimada ay leedahay in la weyneeyo la ilaaliyo laguna faano afka hooyo ee qaniga ah waxaa hormuud u ah hay’adaha u xilsaaran ee Akadamiyad goboleedka afka Soomaaliga ee AGA iyo sidoo kale Akadamiyada Cilmiga fanka iyo suugaanta.



60 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines