Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Weftigii uu hoggaaminayey oo Lagu Soo Dhaweeyey Dalka Itoobiya



Wed 20 February 2019.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa gaadhay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxana halkaas si diirran ugu soo dhaweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dawladda Federal-ka Itoobiya oo ay kamid yihiin wasiirka wasaaradda Maaliyadda Itoobiya, Mudane Axmed Shide, wasiiru-dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda, H.E. Mrs. Hirut Zemene, agaasimaha arrimaha dawladdaha deriska u qaabilsan Itoobiya, Ato Yibeltal iyo xubno kale oo katirsan dawladda federaalka Itoobiya.
Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa si heer sare ah loogu qaabilay madaarka Bole International Airport ee magaalada Addis Ababa, iyada oo ay gudo geli doonaan kulamadii ay la lahaayeen ra’iisal wasaaraha dawladda Federal-ka Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed.

 



24 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines