Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Puntland Oo Amar Adag ku soo Rogtay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Ee NUSOJ(Akhriso)



Wed 16 January 2019.

Maamulka Puntland ayaa maanta amartay in wax tababar ah uusan ku qaban karin magaalada Garowe Xoghayaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cismaan.

Qoraal kasoo baxay Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xersi Cali (Qarjab) oo ku socday maamulka iyo Taliska Booliska Gobolka Nugaal ayaa lagu sheegay in Cumar Faaruuq uusan ogolaansho ka heysan Puntland sidaasi darteedna qaban karin wax shir ama tababar ah.

Cumar Faaruuq oo sheegta inuu yahay Xoghayaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa shalay tegay magaalada Garowe si uu halkaas ugu qabto tababar loo furayo suxufiyiinta halkaas ka howlgasha.



74 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines