Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Salaadda Janaasada Oo Wariye Khashuqji Looga Tukaday Meka, Madiina iyo Istanbul.



Fri 16 November 2018.

Masaajidda ku yaalla Sacuudi Carabiya iyo Turkiga ayaa salaadda janaasada looga tukaday wariye Jamaal Khaashuqji ee 2-dii bisha October lagu dilay qunsuliyadda sacuudiga ee Istanbuul.

Saalax jamaal oo ah wiil uu dhalay Khaashuqji ayaa ka qayb galay munaasabad aabbihii loogu duceynayey oo lagu qabtay magaalada Jiddah sidoo kale waxaa la qorsheynayaa munaasabado looga duceynayo khaashuqji in lagu qabto magaalooyinka Washington, London iyo Paris.

Boqollaal qof ayaa ka soo qayb galay salaadda janaasada Khashuqji looga tukaday Meka, Madiina iyo Istanbul, iyada oo aan meydkiisa weli la helin taasoo qoyska Khaashuqjii ay uga dhigan tahay in meydka Jamaal rajo badan laga qabin in la helo.

Boqortooyada sacuudiga ayaa waxay sheegtay dilka Jamal amarkiisa inuu ka soo baxay xubno ka tirsan sirdoonka Sacuudiga balse Dhaxal sugahaha boqortooyada Amiir Maxammed Bin salmaan uu wax shaqo ah ku lahayn.

Turkigana wuxuu ku adkeysanayaa amarka dilka Khaashuqjii inuu ka soo fulay madaxda ugu sarreysay boqortooyada Sacuudiga.

Magaaladda Jidda waxaa lagu qabtay munaasabad baroordiiq ah oo lagu casuumay iney ka soo qayb gasho cid kasta oo dooneyso iney qoyska Khaashuqji u tacsiyeyso

Arrintani ayaa waxay imaneysa maalma un kaddib marki uu magaalada Riyaad uu shir Jaraa'id ku qabtay ku xigeenka dacwad oogaha Sacuudi Carabiya , Shalaan bin Rajih Shalaan, uuna sheegay in Meydka Khaashuqji lagu dhex jarjaray qunsuliyadda Istanbul markii uu dhintay.



32 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines