Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Dawlada Ethiopia Oo Xabsiga U Taxaabtay Colenel Gebre Oo Lagu Eedeeyay Inuu Xad-gudubyo ka Gaystay Somaliya.



Fri 16 November 2018.

Dawlada Fadaraalka Itoobiya ayaa goor dhawayd xabsiga u taxaabtay Colonel Gebregziabher Alemseged oo Soomaalidu ay u taqaan Colenel Gabre,iyadoo loo haysto dambiyo kala duwan.

Colonel Gebre ayaa lagu soo eedeeyay dambiyo la xiriira ku xad gudub xuquuqda aadanaha ee gobolka ay Soomalidu degto ee dalka Ethiopia iyo inuu ku lug lahaa banaanbaxyadii rabshadaha watay ee dadka badan ku dhinteen ee  ka dhacay magaalada Jigjiga.

Gabre oo hore u ahaa lataliyaha dhinaca siyaasada ee urur goboleedka IGAD balse laga ceyriyay bishi June ee sanadkan kadibna noqday taliyihii ciidamada Ethiopia ee dalka Soomaaliya, isagoo sanado badan xaruntiisu ahayd magaalada Muqdisho ayaa loo haystaa inuu ka iibiyay hub  qeybaha kala duwan ee isku haysta siyaasada Soomaaliya.

Dowlada Ethiopia ayaa dhowaan bilowday inay  sharciga horgeyso saraakiishii ciidamada iyo kuwa rayid ah ee ee gabood falada ka geystey dalka Ethiopia sanadihii la soo dhaafay iyadoo xabsiga la dhigey saraakiil hore xilal uga soo qabatay ciidamada Ethiopia halka kuwa kalana weli la raadinayo.

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay xariga Colenel Gabre waxaana bartiisa Twitterka ku sheegay agaasimaha  warfaafinta Madaxtooyada Cabdi Nuur Maxamed in xariga Col Gabre uu yahay mid  muujineysa sida ay dowlada Ethiopia uga go’an tahay in ay ka shaqeyso xasiloonida Geeska Afrika.



27 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines