Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Khasaaraha Dagaalka Mooyaale Oo Kordhay Iyo Masuuliyiinta Somalida Iyo Oromada Oo Midba Midka Kale Ku Edeeyay.



Fri 16 November 2018.

Khasaraha ka dhashay dagaal maalmihii ugu denbeeyay ka socda deegaanka Mooyale ee u dhaxeeya qoomiyadaha Somalida iyo Oramada ayaa kor u kacay waxana lagu soo waramayaa in ay dhimashadu marayso 19 qof oo labada dhinacba ah halka uu dhaawacuna marayo ka badan 100 qof.

Dagaaladan u dambeeyay oo masuuliyiinta labada dhinacba uu midba midka kale ku eedaynayo masuuliyadiisa ayaa wararka laga helayo dhinaca soomaalidu waxa ay sheegayaan in ay Oromadu wadaan dhul balaadhsi, dagaalkuna uu qarxay markii calanka Oromada ay ka taageen meel ka mid ah Mooyaale, waxana Madaxa Amniga ee Maamulka Soomaalida Shanu Godana uu sheegay in dhinaca Soomaalida ay ka dhinteen 13 qof 30 kalana ay ku dhaawacmeen.

Dhinaca Kale Masuul u hadlay Wasaarada Caafimaadka oo oromo ah ayaa isaguna sheegay in ay Oromadu ka dhinteen 6 qof 72 kalana ay dhawacmeen.

Madaxa xisbiga Oromada ee degmada Mooyaale Cali Tache ayaa isguna Soomaalida uu ku eedeeyey iney wadaan dhul ballaarsi.
 



31 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines