Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Dagaal Khasaaro Gaystay Oo Ahlu Sunna iyo Al Shabaab ku Dhemaray Deegaanka Golangole Ee Gobolka Galgaduud.



Fri 16 November 2018.

Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen dagaal maanta gobolka Gal-Gaduud ku dhex maray maleeshiyada ururka Al-Shabaab iyo dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Goolegoole oo 80 km dhinaca Koonfureed ka xiga magaalada Guriceel.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan Ahlu-Sunna Wal Jamaaca oo ka baxay Guriceel ay weerareen deegaanka Golangole oo ay joogeen koox ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidanka weerarka qaaday waxaa bilowgiiba u suurtagashay inay dagaal la'aan qabsadaan Golangole kadib markii kooxdii joogtay ay xeelad dagaal uga baxeen sida ay sheegeen dadka dagaanka oo ku sugan Guriceel.

Al-Shabaab ayaa dib usoo rogaal celisay waxaana dhacay dagaal kasaaro nafeed gaystay  waxaana Al-Shabaab u suurtagashay inay ciidanka Ahlu-Sunna,dib ula wareegaan Golangole.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaase jiraa is abaabul dagaal oo haatan ka socda deegaanadaasi.



31 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines