Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Xeer Ilaaliyaha Sacuudiga Oo Shaaciyay In la Jar-jaray Maydka Khaashuqji, Dalbadayna In la Dilo Ragii Dilay.



Thu 15 November 2018.

Dacwad oogaha guud ee Sacuudiga ayaa codsaday in ciqaab dil lagu xukumo shan qof oo la sheegay in lagu tuhmayo dilka suxufi Jamaal Khaashuqji.

Khaashuqji oo ahaa weriye si weyn u dhaliila dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, kaasi oo wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa la dilay labadii October markii uu booqday qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Afhayeen u hadlay xafiiska dacwad oogaha Sacuudiga ayaa maanta sheegay in Khaashuqji la duray sunta dadka disha kadibna jirkiisa cad cad loo jaray.

Dowladda Sacuudiga ayaa sharaxaado kala duwan bixineysay tan iyo markii Khaashuqji la waayey, oo ay ka mid ahaayeen inay markii hore sheegtay inuu qunsuliyadda si nabdoon uga baxay, inuu ku dhintay gacan ka hadal, iyafdoo ugu denbaytii sheegtay in lagu dilay howlgal ay fuliyeen koox fallaago ah.

Dacwad oogaha ayaa sheegay in ciqaabta dil loo codsaday shan ka mid ah eedeysanayaasha oo lagu soo oogay dacwado ku saabsan inay amreen oo ay fuliyeen dilka, halka lix kale oo lagu eedeeeyay inay kaalin ku lahaayeen dilka ay helaan xukunka ku haboon.

Sacuudi Carabiya ayaa dhinaca kale weydiisatay Turkey inay gacan ka geysato soo gudbinta akhbaaraadka lagu ogaaday baaritaankii ay ku sameeyeen dilka.



32 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines