Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement



Thu 15 November 2018.

Guddiga joogtada ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in dib loo dhigo doorashada isla markaana la dhamaystiro guddiga doorashada oo hore ay iska casileen xubno ka mid ahaa.

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Baydhabo ayaa waxa ay kaga doodeen qabsoomida doorashadii lagu waday inay ka dhacdo magaalada Baydhabo 17ka bishan, iyagoo ugu dambeyntii isku raacay in dib loo dhigo mudo aan la cayimin.

17ka bishan oo ku beegan maalinta Sabtida ah ee soo socota ayaa la go’aamiyay in la dhamaystiro guddiga doorashada isla markaana la qabto doorashada 28ka bishan November.

Qorshihii doorashada Madaxtinimada Koofurgalbeed ayaa dib u dhac ku yimid kadib markii dhowaan ay iscasileen xubno ka mid ah guddiga doorashada sidoo kalna uu is casilay Madaxweynihii Maamulka Koofurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.



32 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines