Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Al-shabaab Oo soo Bandhigay Magacyada Qaar ka Mid ah Raggii Weeraray Hotel Saxafi.



Thu 15 November 2018.

Ururka Al-shabaab ayaa shaaciyay magacyada qaar ka mid ah magac-yada raggii ka danbeeyay weerarkii Jimcihii aynu soo dhaafnay lagu qaaday Hotel Saxafi.

Raggan weerarka geystay waxaa ka mid ah  Axmed Aadan Mursal oo ku magac  dheeraa (Axmed Guduud )  waxaana warbaahinta Al-Shabaab ku hadasha afkeeda ee Andalus laga sii  daayay wareysi dardaaran laga duubay, ka hor inta uusan fulin weerarka.

Qofka labaad ayaa magaciisa lagu sheegay Mukhtaar Maxamed Ibraahim Qeys oo loo yaqaano Saalax Salagle, waa ninka  ugu da’da weynaa kooxdii weerartay Hotelka Saxafi, waxaa  47 sano jir,  isaga oo ku biiray Al-shabaab sanadkii 2011.

Al-Shabaab ayaa inta badan soo bandhigta magacyada iyo qabiilada ay  ka soo jeedaan kooxaha weerarada is qarxinta iyo kuwa tooska fuliya.

Weerarkii Jimcihii la soo dhaafay lagu qaaday Hotelka Saxafi ayaa  waxaa ku dhintay illaa 52 ruux, waxaa uu ahaa weerar qaraxyo is xiga ku  bilowday, waana weerarkii labaad oo Al-Shabaab ku qaado Hotelka Saxafi.



36 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines