Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Gorfaynta Buugga “Miyi Ilaa Madaxtooyada” Guuleed Axmed Xaashi



Thu 15 November 2018.

Gorfaynta Buugga “Miyi Ilaa Madaxtooyada”

Socdaalkaygii guusha

Qoraaga Buugga: Xirsi Cali Xaaji Xasan

 

Hordhac

Ilaa iyo intii buugga Miyiga ilaa Madaxtooyada lasoo bandhigay wuxuu bulshada ka dhax abuur doodo iyo hadal hayn aad u balaadhan, dadkuna siyaabo kala duwan ayay oga falceliyeen. Dadka badankoodu meelo lasoo gooyooyay ayay baahinayeen, kadib waxaan go’aansaday in aan buuggaa akhriyo kadibna wixii aan ku arko aan fikirkayga ka dhiibto, waxay iga qaadatay muddo 5 cisho ah in aan bilow ilaa dhammaad ku akhriyo buuggan.

Qoraaga buuggu, mar waraysi laga qaaday, wuxuu soo dhaweeyay qorayaasha, isaga oo sheegay in ay yihiiin cidda ugu habboon in ay dhaliili karto ama wax ka sheegi karto. Waxaan ka cudur daaranayaa in aanan caddeyn Karin taariikhaha iyo dhacdooyinka uu qoraagu inala wadaagay sida uu u sheegay in ay tahay si ka duwan sidii ay u dhaceen, taana waxay u furantahay cidkasta oo ay qoraaga shaqo ka dhaxaysay laakiin kaliya waxaan dul istaagi doonaa meelaha aan isleeyahay in wax laga yidhaahdo ayay u baahan yihiin. Waxaa iyaduna xusid mudan in ay aad u adag tahay in qoraal kooban laga sameeyo buug sidan u qaraweyn.

Inta aan falanqaynta buugga Miyiga ilaa Madaxtooyada ku jiro waxaan ku koobnaan doonaa wixii uu qoraagu inala wadaagay oo kaliya, waxa buugga ku qoran iyo shakhsiyadda qoraagu waa kala laba, dad badan waxaa iskaga khaldan shakhsiyada qofka iyo fikirkiisa, in badanna xaggii ay fikirkiisa ama ficilkiisa dhaliili lahaayeen qofka ayay wax ka sheegaan. Maalintii koowaad ee aan bilaabay akhrinta buugga aniga oo meel shaah laga cabbo buugga ku akhriyaya ayuu nin aanu is garanaynay ila soo fadhiistay, kadib wuxuu igu yidhi “ ma inankii fashilmay ayaad buuggiisa sidataa”, waxaan waydiiyay muxuu ku fashilmay ?! kadib wuxuu iigu jawaabay “ ma ninka buuggiisa waxaa iyo waxaa ku qoray”, waxaan waydiiyay buugga maad akhriday?, kadibna wuxuu iigu jawaabay “ maya”…… waxaad dareemaysaa sida dadkeenu ku-tiri ku-teenka iskaga qaataan ee ay dadka ugu xukumaan.

In aan ku idhaahdo hebeloow/heblaayooy shalay been ayaad ii sheegtay iyo in aan ku idhaahdo beenaale/beenalay ayaad tahay aad ayay u kala duwan tahay, haddaad qof ku tidhaa been ayaad ii sheegtay ficilkiisa ayaad sheegtay laakiin beenaale ama beenalay ayaad tahay waa shakhsiyada qofka ama ahaantiisa oo aad ku gaftay. Sidaa darteed Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah qoraaga buuggan shakhsiyadiisa iyo buuggani waa kala laba, wixii uu inala wadaagay ayaan xoogga saari doonaa aniga oo xusi doona meelaha aan u bogay, meelaha faahfaahin u baahan iyo meelaha aan dhaliilay.

Ugu horreyn waxaan bogaadin u dirayaa qoraaga buugga oo ku dhiirraday in uu furo baab cusub oo taariikhda Soomaalida ku yar ama aan horeba u dhicin, taasi oo ah in uu inooga warramo khayr iyo shar intii uu siyaasada ku jiray wixii uu u soo joogay iyo wixii cid kale uga warrantay. Sidoo kale wuxuu ku dhiirraday in uu noloshiisa intii ugu badnayn uu inooga warramo taasi oo aan inta badan dhaqankeena ka dhicin. Waxa kale oo aan ku bogaadinayaa qoraaga buugga wakhtiga intaa leeg ee uu galiyay buuggan. Waa xu

Waxaan aad u cambaareynayaa oo aan waliba dhaliilayaa xatooyadii lagu sameeyay buugga ee isaga oo Softi ah baraha bulshada la wareejiyay, waa dhaqan aad u liita in wax-soosaarka dadaalka, maskaxda, soojeedka iyo aduunka intaa leeg ee la galiyay aayar cidi dadka u qaybiso, xatooyada qoraalka ama xuquuqda lahaanshaha oo lagu xadgudbaa waa dambi weyn oo maxkamado la isla tiigsado laakiin innagu heerkaa maynu gaadhin. Qofka qoraalkaa qaybiyay waxaanu dareemin culayska uu leeyahay buug la qoro iyo inta qofka ka gasha, mar waad ururinaysaa, mar waad qoraysaa, mar tifaftir iyo hagaajin ayaad ku hawllan tahay, marna adduunkii lagu daabici lahaa ayaad ka warwaraysaa.

Tognaanta Buugga iyo Qoraaga

Qoraaga buuggu wuxuu furfuridda hore ee buugga ku xusay in ay ku dhalatay in uu buug qoro sanadkii 1999 wakhtigaasi oo uu ku hawllanaa nolol maalmeedkiisa, laakiin hamigaasi wuxuu u rumoobay 2018 markii uu soo saaray buugga Miyiga ilaa Madaxtooyada. Buuggani waxa uu u badan yahay dhiirrigalin iyo in akhristaha da’da yar uu dareemayo in inta meel aan waxba oollin laga dhaqaaqo meel fog la gaadhi karo, Xirsi Cali Xaaji Xasan wuxuu ku dhashay Miyi, isaga oo markii uu sannaddo yar jirayna hawshii Miyiga ee xoolo raacidda bilaabay, markii uu garaadsaday taariikhduna marayso 1974 waxa ku habsaday deegaanka Somaliland gaar ahaan gobollada bariga abaar dad iyo duunyaba saameysay oo Dabadheer la odhan jiray, dadkii waxaa loo guray koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Jubbooyinka, qoraaga buugga qoyskiisii waxaa la dajiyay meel Dujuuma la yidhaahdo, qoraaga buuggu muddo dheer ayuu ciyaalnimo iyo waxbarashada hoose ku qaatay halkaa. Qoraaga buuggu sifiican ayuu qeexay abaartii Dabadheer iyo sidii ay Somaliland dadkii ku noolaa u saameysay, dadka uu aadka uga mahad sheegay inkasta oo uu yaraa wakhtigaa waxaa ka mid ahaa Ismaaciil Cali Abokor oo dawladdii Kacaanka ku jiray ahaana nin kasoo jeeda deegaannada, waxa uu qoraagu ku dheeraaday in uu sabab u ahaa gurmadkii dadkaa loo fidiyay, Milatarigii Soomaaliya ayaa uu sidoo kale ku tilmaamay in ay si naf-hur leh dadka ugu gurmadeen inkasta oo markii dambe kuwii barigaa dadka u gurmanayay ay xasuuq u gaysteen shicibkii ay ahayd in ay ilaaliyaan.

Qoraaga buuggu waxa uu sidoo kale cutubka 5aad ku faahfaahiyay guuldaraddii Soomaaliya isaga oo tilmaamay in ay sabab u ahayd dagaalkii 1977kii iyo wadaadadii la laayay, dagaalka ayaa uu qoraagu ku tilmaayay dagaal jibbo ku dhisnaa oo aan laga fiirsan, isaga oo xusay in khasaarihii ugu weynaa uu gaadhay dadkii kasoo jeeday waqooyi iyo gobollada dhexe ee Soomaaliya . Qoraaga buuggu wuxuu si faahfaahsan uga hadlay halgankii hubaysaa ee xaq u dirirka ahaa ee SNM, wuxuu sheegay in uu isagu kusoo biiray 1987 isaga iyo nin la odhan jiray Cabdiraxmaan Cismaan Xaaji Axmed –Ifiso- ayaa Itoobiya dhuumasho ugu tallaabay, qoraaga buuggu wakhtigaa wuxuu ahaa nin gaaban oo caato ah laakiin jecel in uu dadkiisa iyo dalkiisa u halgamo, waxaa caqabad ku noqotay in la aqlabo maadaama oo loo arkayay in uu yahay nin da’yar , nasiib wanaag dhawr cisho ka dib Dhibbooga ayaa la qoray, waxa uu muujiyay firfircooni iyo karti uu ciidankii jabhada kula qabsado taasi oo meesha ka saartay “waa nin yar”. Halkaa waxaa ka muuqata in ay SNM ahaayeen urur aan ku shaqaysan dhallaanka sida Jabhadaha aduunka qaarkood ka dhacday in ay ciyaalka Askar u qortaan.

Qoraaga buuggu waxa uu ka qayb qaatay dagaallo lagu qaaday ciidamadii Siyaad Barre waxaanu buugga ku xusay dhacdooyin ay ugu muhiimsanayd maalin naftiisu halis gashay oo Kaare jiidhay. Markii wadanka la xoreeyay qoraaga buuggu wuxuu qaatay go’aan raganimo leh isaga oo kala doortay in uu noqdo dayday qoriga ku xoogsada oo balwadaha dhax jibaaxa iyo in uu noqdo qof jira oo shaqaysta/ waxbarta oo qayrkii dhaafa. Go’aankaa uu maalintaa qaatay waa ka sababay ama horseedka u ahaa Xirsiga ilaa Madaxtooyada maamulay, qoraaga buuggu ugu horreyntii waxa uu bilaabay waxbarasho mid maaddi ah iyo mid diini ahba, wuxuu bilaabay Quraanka iyo tafsiirka isaga oo culimadii ugu waaweynayd Burco hoos fadhiistay. Qoraaga buuggu wuxuu doorbiday in uu xammaasho, wuxuu ka shaqeeyay dukaan uu isagu lahaa iyo Caawiye-Mudalab. Meelaha guushiisa horseedday ayay ahayd in uu ku qanci waayay meel iska fadhiisasho wuxuuna doorbiday in uu xammaasho. Kadib wuxuu ka shaqeeyay Fooniye kaasi oo sababay in uu Dahabshiil u wareego, marka aad akhrido buuggan waxaad garwaaqsanaysaa in uu Xirsi ahaa nin aad u firfricoon oo shaqadiisa ka adag, markii uu Hargeysa iyo shaqada Dahabshiil u soo wareegay caqabado ay ka mid ahaayeen in uu aqoonsado macmiilkiisa ayaa waajahday; markii dalka lagu soo noqday haba yaraatee may jirin wax aqoonsi ah oo dadku siteen, Xirsi wuxuu muujiyay in uu la yimaado hab uu arrinkaa ku xaliyo waxaanu bartay madaxda/salaadiinta/ganacsatada reeraha dega Hargeysa si uu macmiilkiisa u hubiyo.

Shaqooyinka ugu badan ee uu qoraaga Buuggu qabtay waxaa ku lamaan Dahabshiil, meel hoose ayuu ka bilaabay, laakiin muddo dheer oo uu u shaqaynayay waxaa muuqata in uu muujiyay dadaal, Samir, hawlkarnimo iyo sumcad, wuxuu shaqada Dahabshiil ka bilaabay Fooniye, Karraani Xafiiska Hargeysa, Maamulaha Hargeysa B, Khasnajiga guud, Kaaliyaha IT ga, Maamulaha IT ga, Project Manager, la Taliyaha CEO, Xubin Boardka iyo maamulaha guud ee Somtel, dhammaan xilalkaa wuxuu qoraaga buuggu muujiryay hawlkarnimo, hindise iyo hal-abuur.

Markii uu qoraaga buuggu ku biiray Komishanka qaranka wuxuu xusay in uu ahaa qof dhiirran oo jecel in dhex laga ahaado hawsha la qabanayo, wuxuu xusay in laysku dayay In la laaluusho laakiin uu si dadban uga cudur daartay madaxweynihii wakhtigaa Daahir Rayaale Kaahin una sheegay in ay shaqadiisu tahay in uu dhex u ahaado xisbiyada, ugu dambeyntiina markii uu arkay in Komishanku yihiin dad jilicsan oo la laaluushi karo hawshoodana aan sidii loogu talo galay u gudanayn uu go’aan saday in uu iska casilo, go’aankaasi wuxuu ahaa mid wanaagsan waayo haddii aad ummad u shaqaynayso oo aad dareento in hawshii laguu igmaday aanad sideedii u gudan karin in aad isberi yeesho oo aad meesha ka tagto intii aad la walaaqan lahayd.

Qoraaga buugga tani fursad uu mucaarid adag ku noqdo ayay u sahashay wuxuu la saftay xisbiga Kulmiye oo uu u arkayay in uu yahay mid siyaasadiisa iyo barnaamijkiisa uu la jaanqaadi karayo. Markii xisbiga Kulmiye uu ku guuleystay doorashadadii madaxtooyada ee sanadkii 2010 qoraaga buuggu fursad fiican ayuu helay, waxa uu nasiib u yeeshay in uu la shaqeeyo Madaxweyne siilaanyo, waxaa xusid mudan in Siilaanyo u ahaa qoraaga buuggan macalin siyaasideed iyo hage uu ku daydo, sheeko kaste oo siyaasadda ku saabsan qoraaga buuggu siilaanyo ayuu ka hubinayay waayo-aragnimo iyo taariikh dheerna wuu ka guntay, tiro malaha meelaha uu ku xusayo qoraagu shakhsiyadda iyo wanaagga uu u hayay Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), intuu Jabhada, Mucaaridka iyo madaxweynaha ahaaba. Qoraaga oo xusaya Siilaanyo waxaa uu yidhi “ … arrinta saddexaad ee ii xaqiiqowday waxay ahayd: in Axmed Siilaanyo uu yahay nin hoggaamiye soo saari kara mustaqbalka! Waxaa ii caddaatay inuu yahay hoggaamiye i gacan qaban kara. Waxaa ii xaqiiqowday in Siilaanyo uu yahay hoggaamiye aan eegayn heballada ay bulshada magacooda iyo muuqadaba taqaanno, balse eegaya oo ku xulanaya tayada kartida, aragtida iyo afkaarta uu qofku la yimaaddo, da’da uu doonaba ha ahaadee…”

Qoraaga buuggu wuxuu ahaa nin aad ugu dhega-nugul, wakhti badan galiya sidii uu Madaxweynaha uga caawin lahaa hawl-maalmeedkiisa, ballamaha iyo macluumaadka soo gaadhayaba. Intii uu hayay xilka “Chief of Cabinet” iyo Wasiirka madaxtooyada wuxuu muujiyay hoggaaamin uu dadaal galiyay, waxaa warbaahinta ku batay magaciisa iyada oo lagu tuhmaayay awood dheeraad ah ama in uu dalkaba xukumo. Sida muuqata wuxuu ahaa nin shaqadiisa yaqaan oo waliba ballamaha ilaaliya shaqadiisana u daacad ah, guulaha muuqday ee uu qoraaga buuggu ku dhiirraday waxaa ka mid ahaa dib u qaabeynta Haayadda waddooyinka oo dhistay waddada isku xidha Kalabaydh ilaa Boorama, Kala baydh Ilaa wajaale oo ku-dhac iyo dhiirranaan lagu galay iyada oo aan wakhtigaa loo haynin adduun lagu dhiso. Guusha ugu weyn ee qoraaga buugga Miyiga ilaa madaxtooyadu uu gaadhay waxa ay ahayd in uu Madaxweynaha ku qanciyo fulinta ballantii ahayd waddada isku xidha Burco ilaa Ceerigaabo. Dad badan waxay la ahayd dad riyoonaya laakiin riyadaasi dhab ayay noqotay markii la dhagax dhigay ka dib.

Bogga 309-310 wuxuu qoraagu ku xusay sheeko ku saabsan in iyaga oo bariga Hargeysa waddo laga dayactirayay jooga uu gaadhi qaad wadaa jiidhay meeshii la sameynayay isaga oo xawaare dheer ku socda maqlina waayay ciidankii waddada ilaalinayay, ka dib inta ay istaageen isku dayay in ay laba askari oo qoryo sita budud ku eryadaan, qoraaga buugga oo wakhtigaa ahaa wasiirka madaxtooyadu wuxuu isku dayay in uu nimankii qaadka waday maslaxo laakiin way maqli waayeen, askartii oo dib uga siqaya isla markaana habranaya ayuu wasiirku ku dhiirrigaliyay hadday mar dambe idinku soo durkaan tuugtu, ka dib askartii ayaa ku dhiirratay in ay istaagaan isla markaana qoraaga buuggan ayaa ciidan degdeg ah dalbaday, nimankiina markay dareemeen in xaaladu ku adag tahay ayay bilaabeen in ay sasabaad iyo is dhul-dhig bilaabaan. Dawladnimo aan haykalkeeda lahayn oo inan yar oo ciyaal xaafad ahi askari qori sita dhagax ku eryado meel ma gaadhi karto, waxaan aaminsanahay in uu go’aankaa iyo dhiirrigalintaa ku saxsanaa.

Qoraaga buuggu waxa uu fursado u helay in uu la safro madaxweynaha, waxa uu la kulmay madax sarsare oo adduunka caan ka ah sida Madaxweynaha Turkiga, raysal wasaarihiii Ingiriiska ee David Cameron, Raysal wasaarihii Ethiopia, Madaxweynaha Jabuuti, madaxda carabta, sida Imaaraadka, Sucuudiga iyo Kuwayt. Waxaa xusid mudan in marar badan ay go’aamo adag qaateen oo ku diideen arrimo la doonayay in Somaliland lagu muquuniyo. Qoraaga buuggu wuxuu horseed ama hormood u ahaa wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya isaga oo markii ugu horaysay waxay qoraaga buugga gurigiisa ku kulmeen nin la yidhaa Faarax Giindhe oo dhalasho ahaan kasoo jeeday Muqdisho, waxayna isla qaateen in uu ukala dab qaado Soomaliya iyo Somalland sidii ay u wada hadli lahaayeen.

Dhammaan dadaaladii, shirarkii iyo kulamadii u dhaxeeyay Somalia iyo Somaliland qoraaga buuggu wuxuu ka ahaa udub dhaxaad ah. Qoraaga buugga waxyaalaha aan aadka ugu bogay waxaa ka mid ah in uu yahay nin dhaqanka Soomaaliga iyo Suugaanta sifiican u qayaan, wuxuu meelo badan kusoo xiganaa abwaan iyo sugaan badan, isaga laftiisuna waa Hal-abuur Suugaanta tiriya, waxaa buugga ku jira tixo fara badan oo uu ku sawirayo ama ku sheegayo xaalado markaa jiray.

 

Tabnaanta iyo Dhaliisha Buugga

Cutubka koowaad ee buugga waxa uu qoraagu magac oga dhigay: “Heshiishkii Ilaalinta Somaliland iyo hagardaamadii gumaysiga”, wuxuu qoraagu ka hadlayaa taariikho aad u fog laga bilaabo 1839 ilaa 1900, waa taariikhda aanu usoo joogin, waxayna u baahan yihiin xigasho iyo tixraac, qoraaga buuggu muu xusan meesha uu ka keenay, inta oo kaliya maahee meelo badan ayuu qoraagu xusayaa odhaahyo dhiirigalin u badan oo uu kasoo xigano qoraayo iyo dad hore, dhammaan waxkasta oo lasoo xigtaana kama maarmaan in la xuso magaca qoraha, taariikhdii la daabacay, ciwaanka buugga, meesha lagu daabacay iyo cida daabacday iyo IWM, sidaad buugga u akhriyayso ayuunbuu dhammaanayaa, buug taariikh ka sheekaynaya oo aan lahayn wax tixraaca aniga wuxuu iila muuqdaa dhaliil wayn oo uu qoraagu u baahan yahay in uu saxo.

Qoraaga buuggu wuxuu xusay xiligii ay dhacday abaartii Dabadheer in loo daabulay koonfurta, markay taariikhdu ahayd 1987 ayuu sheegay in uu Somaliland kusoo laabtay kuna biiray SNM, waxaa u dhaxaysa muddo dhan 13 sano, qoraagu ma cadayn mudada intaa leeg ma Kaamkii la dajiyay ayuunbay joogeen mise meelo kale ayuu ku noolaa se intaa muxuu qaban jiray?.

Qoraaga buuggu wuxuu sheegay in uu waxbarashadiisii ugu horaysay ka bilaabay iskuul la odhan jiray Ganaane oo ku yaalay meesha la yidhaa Dujuuma, isaga oo xusay in uu kusoo dhammaystay marxalad adag inta badan aasaasiyaadka waxbarashada. Qoraagu muu cadayn xalkee ayuu ka gaadhay.

Markale qoraaga oo sii wada waxbarashadiisii wuxuu yidhi “ inkasta oo ay jireen dagaaladdii sokeeye oo inta badan saamayn xun ku lahaa dalka guud ahaan, gaar ahaan degaannadyadii, haddana iskuul gaar loo leeyahay oo ku yaalay magaalada Burco oo la odhan jiray Universal waxaan ka bilaabay inaaan barto luuqada Ingiriisida, teebka iyo maaraynta xafiiska, maadama oo marba marka ka dambaysa dalku sii wanaagsanaanayay xagga nabadgelyada iyo degganaanshaha, waxay ii saamaxday in aa sii wato waxbarashadaydii dalka gudihiisa iyo debaddiisaba oo aa waxbarasho ugu baxay dalka Hindiya iyo UK ilaa aan ka gaadhay Derajada labaad ee Jaamacadda Master, walina aan wado oo aanan joojin waxbarashadii”.

Waxaa iswaydiin mudan qoraaga buuggu sababta aanu taariikhdiisa waxbarasho u faahfaahin, Ganaane oo dugsi hoose ahaa ayuu inooga bilaabay, muu xusin meesha uu dugsi sare ku qaatay, kadib Universal ayuu galay oo uu ka bartay luuqada, teebka iyo maaraynta xafiiska. Wuxuu aaday Hindiya; hindiya ma degree ayuu ka qaatay?,intee inleeg ayuu joogay?, ilaa London iyo Master ayuu haddana inaga geeyay, masterta London waa noocmaa, kuliyadee ayay ahayd?, Jaamacadu se tee ayay ahayd?, qoraaga buuga waxaa looga baahan yahay in uu halkaa faahfaahiyo si akhristaha ay macno buuxa ugu samayso.

Bogga 153 qoraagu wuxuu ku xusay in intii u dhaxaysay 1991-2007 aanu xelin jaanis iyo fursad uu siyaasada ku galo, isaga oo ku sababeeyay in uu wakthi dadkuba fawdo ku jiro, ama isagu aanu da’ahaan buuxinin shardigii ku xidhnaa. Waxaa iswaydiin leh ilaa 2007 fawdada qoraagu sheegay ee lagu jiray maxay ahayd?.

Bogga 181, qoraaga buuggu wuxu ku sheeg 30 august 2010 in subaxnimadii hore ay la soo hadashay marwada madaxweynuhu iyadoo naxdini ka muuqato hadalkeeda, waxayna u sheegtay in arrini soo korodhay oo uu uyimaado, kadib isaga oo naxsan ayuu baxay, markii uu gaadhay gurigii madaxweynaha marwadu waxay u sheegtay in madaxweynaha ay xaaladi kusoo korodhay oo uu yidhi waan iscasilayaa, sababta oo ah in madaxweynuhu wuxuu ka werwersanaa xasuustiisa oo hoos u dhacday, balse ugu dambayntii uu madaxweynuhu uu go’aankii ka noqday markii ay qoys ahaan gaar u wada hadleen. Qodobkani oo ahaa kii ugu hadalnaynta badnaa waxaa iswaydiin leh, ma inta aayar uun lala soo hadlay qoraaga buugga iyo Maxamuud Xaashi oo ku wehelinayay ayaan waxba la weydiin?, qoyska aan marwada ahayn ee markii la joogtay qoyska madaxweynu yay ahaayeen?... inkasta oo aanu macluumaadkani aanu u muuqan wax sir ah qoraaguna xusay uun in xasuusta madaxweynuhu hoos u yara dhacday haddana fikirkayga markaan eego dhaqankeena qoraaga buuggu may ahayn in uu dhacdadaa ku daro waayo wakhtigii ku haboonaa may ahayn, sababtuna waa qoraalka iyo hufnaanta oo aynaan baran, sidoo kale waxay saamayn taban ku yeelan kartaa mustaqbalka qoraaga ee dhinaca siyaasadda.

Qoraagu wuxuu buugga ku xusay in ay kulan kula qaateen William Hague Addis Abeba, kulankaa watfiga Somaliland waxay kala hadleen xoghayaha arrimaha dibada Ingiriiska laba qodob oo kala ahaa in Ictiraafka Somalialand Ingiriisku gacan ka siiyo iyo in kaabayaasha dhaqaalaha laga caawiyo Somaliland gaar ahaan shidaal qodista. William Hague labadii arrimood ee ay kala hadleen wuxuu ka waydiiyay laba su’aalood; 1. Haddii ay Somaliland ictiraaf hesho ma caqabad ayuu ku noqonayaa mise xal ayuu u noqonayaa arrimaha murugsan ee Soomaliya? 2. Haddii aad shidaal lasoo baxdaan ma horumar ayuu idiin keeni karaa mise dib u dhac?. Su’aasha hore waftigu way ka jawaabeen waxayn sheegeen in ictiraafka Somaliland hesho marnaba aanu caqabad ku noqon doonin Somalia laakiin ay dhici karto inay xal u noqoto.

Hadda su’aashaa labaad wixii ay kaga jawaabeen qoraaga buuggu muu ilaaway? Waayo buugga kuma taal wixii ay kaga jawaabeen.

Bogga 321 qoraagu wuxuu sheegay in ay caqabad ahayd qisaasta uu sharciga Illahay iyo sharciga Somaliland ba dhigayeen, dad tiro badan oo uu ku qiyaasay 100-150 oo dil u xidhnaa waxaa adkaatay in la qisaaso, qoraaguna wuxuu ku sababeeyay in ay u muuqan karto xasuuq… waxaa iswaydiin leh dad dil lagu xukumay haddii qisaasta lagu fuliyo ma xasuuqbaa?, mayna ahayn wixii Illahay iyo sharciga Somaliland ba ina fareen?.

Inkasta oo dadaal la galiyay tifaftirka iyo higaada buugga haddana meelaha qaar waxaad ku arkaysaa khalalaad aan u malaynayo in ay tahay wax u dhuuntay sida:

Qoraagu markuu ka hadlaayo ooryaha Eebe ku galaday iyo caruurta wuxuu sheegay in uu guursaday 3 dumar ah, gabadha koowaad oo koos la yidhaa waxay u dhashay 12 caruur ah oo kala 5 wiil iyo 7 gabdhood, gabadha labaad oo la yidhaa Saynab waxay u dhasahay 6 caruur ah oo kala ah 2 wiil iyo 4 gabdhood, gabdha saddexaad oo la yidhaa faadumo waxay u dhashay 4 caruur ah oo kala ah 4 wiil iyo 1 gabadh. Gabadhaa u dambaysa xisaabtin caruurta wax ayaa ka khaldan, waayo faadumo 4 caruur ah ayay dhashay haddan waxaa qoran ( 4 wiil iyo 1 gabadh) isku gaynta caruurta qoraagu dhalay waa 22 sida uu qoraaga buuggu sheegay, laakiin haddii inta sare la isku geeyo waa 23, markaa waxaa suuragal ah in xaaska ugu damabysa ee faadumo la khalday caruurteeda.

Meelaha erayada khaldan waxaa ka mid ah;Harumar, awwodaha(bogga 263), BBc( bogga 279), (Siilaanyo Sheekh Shariif, bogga 254 ) iyo qaar kale oo badan oo aanan qorin.

 

Gunaanad

Buuggan oo aan wakthi galiyay waxaan u arkay hogaamin dabiici ah oo uu leeyahay qoraaga buuggu,karti iyo dadaal fara badan, wuxuu sidoo kale dhiirigalin u noqon karaa dhallinyaro fara badan oo niyad jab iyo shaqo la’aan isku dhiibay, sidoo kale siyaasiyiinta waxay noqon karaa tusaale in ay bulshada la wadaagaan go’aamada iyo waayo aragnimada siyaasadeed ee ay dhaxleen. Waxaan meesha ka maqnayn in uu buuggu leeyahay dhaliilo aan xusay iyo kuwa kale oo laga soo heli karaba, haddii dib loo daabaco buuggani ka maarmi maayo xigashooyin iyo tixraacyo buugga tayadiisa kordhiya. Waxaa dib u eegis u baahan taarikhaha iyo kala horaynta cutubyada qaar ama isku xidhka dhacdooyinka iyo sheekooyinka buugga si uu u xiiso galiyo akhristaha. Ugu dambayna qoraaga buugga waxaan u soo jeedin lahaa in buugaagta dambe ee uu balan qaaday aad u faahfaahiyo dhacdooyinka cida ku wehelinaysay waayo buuggan qoraaga ayaa u badan go’aan gaadhida badanaaba dhacdooyinka ku jira.

 

Guuleed Axmed Xaashi

Gaaxnuug2013@gmail.com



50 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines