Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Golaha Amaanta Ee QM Oo Cuna-qabtayntii Saarnayd ka Qaaday Eritrea 9 Sano Kadib.



Wed 14 November 2018.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dalka Eritrea si buuxda uga qaaday cunaqaybatay saarnayd mudo 9 sano ah.

Kalfadhi ay yeesheen golahu manta ayuu gabi ahaanba si buuxda oo aan kala hadh lahayn ay ugu codeeyeen in la qaado cunaqabatayntan

Talaabadan ay qaadeen xubnaha Golaha Amaanka ee QM ee cunaqataynta laga qaaday Eritrea ayaa timid kadib markii ay Dawladaas mudada go’doonka ahayd ay qaatay talaabooyin dhawr ah oo dhinaca nabada ah ee gobolka geeska Africa Taabanaya, talaabooyinkaas oo ay ugu muhiimsanayd heshiis nabadeed oo ay la yeesheen dalka Ethiopia ee ay jaarka yihiin oo mudo colaadi ka dhaxaysay.

Cunaqatayntan dalkaas saarnayd mudada 9ka sano ah ayaa isugu jirtay Xayiraadda hubka, xayiraadda hantida iyo xayiraadda safarka, waxana lagu soo rogay kadib markii lagu eedeeyay in ay Eritrea ay taageerto xagjiriinta al-Shabaab ee Soomaaliya.



31 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines