Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Shirkad Militariga Itoobiya Maamulo Oo Lagu Eedeeyay Inay Hubka Sharci Darro ah U Gudbin-jireen Somaliya.



Wed 14 November 2018.

Shirkad ay maamulayeen militariga Itoobiya ee lagu magacaabo Metec ayaa lagu eedeeyay inay si sharci daro ah uga ganacsanayeen hubka , sida lagu baahiyay barnaamij ka baxay telefishinka dowladda ee ETV.

Dhawaan ayay ahayd markii xabsiga la dhigay madaxii hore ee shirkadda Metec Janaraal Gen Kinfe Dagnew oo isku dayay inuu u xabsado dalka Suudaan.

Barnaamijka ayaa lagu sheegay in xabsiga la dhiyay 27 sargaal oo maamuleyay shirkadda kwaas oo lagu eedeeyay inay hubka u safrin jireen dalka Soomaaliya.

Safiirkii hore ee Itoobiya u fadhiyay dalka Jabuuti Suleymaan Dedefo ayaa barnaamij ka baxay ETV u sheegay in sannadkii 2016-kii shirkadda Metec lagu tuhmay inay soo iibsatay labo maraakiib ah oo markii dambe ay u isticmaalayeen saraakiisha shirkadda inay hubka iyo aalabaha kale ee sharci darrada ah u dhoofiyaan dalalka Iiraan iyo Soomaaliya.

Wuxuu sheegay safiirka inuu warqad u qoray wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya si ay ula socdaan eedeymaha loo soo jeediyay shirkadda balse dowladda Itoobiya kama aysan hadlin arrintaasi.

Isniintii, xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Berhanu Tsegaye wuxuu shaaca ka qaaday in musuq maasuq baahsan lagu helay shirkadda kaddib markii shan bilood ah oo baaritaanno ah.

Itoobiya waxaa ka socdaa howlgallo ka dhan musuq maasuqa, waxayna ka qayb yihiin isbadallada taariikhiiga ah uu garwadeenka ka yahay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Bishii Agosto ayay ahayd markii uu Ra’iisul wasaaraha heshiiskii qanddaraaska dhisitaanka biyo xireenka kala noqday shirkadda Metec isla markaasna siiyay shirkaddo shisheeye.



32 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines