Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Waebaahinta CNN Oo Dacwad ka Gudbisay Madaxwayne Trump.



Tue 13 November 2018.

Telefishanka CNN ayaa dacwad ka gudbiyay madaxwayne Trump ka dib markii Aqalka Cad ruqsaddii kala noqday wariyihii uga soo waramijiray aqalkaasi.

Jim Acosta oo ah wariyaha CNN uga soo warama Aqalka Cad, ayaa laga qaaday kaarkii weriyenimada ee uu ku galayey aqalka looga arimiyo Maraykanka todobaadkii hore saacado uun markii ay hadal taagtaagan is weydaarsadeen Trump.

Madaxda Tvga CNN ayaa ku doodaysa in dhacdadaasi xad gudub ku ahayd xuquuqda dastuuriga ah ee wariye Acosta.

Dacwaddan oo laga furay maxkamadda Washington DC Salaasadii, ayaa Madaxweynaha iyo laba ka mid ah kaaliyeyaashiisa ku sheegtay dadka laga eed sheeganayo.

Waxaana ka mid ah madaxa shaqaalaha John Kelly iyo af-hayeenka Aqalka Cad Sarah Sanders oo sheegtay in sababta ruqsadda Acosta loola noqday ahayd habdhaqan aan la aqbali karin dartii.



26 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines