Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Ra’isul Wasaare Khayre Oo Guddoomiyay Shirka Geeddi Socodka Dayn Cafinta Somaliya.(Sawirro)



Tue 13 November 2018.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay Shirka toddobaadlaha ah geeddi socodka cafinta daymaha lagu leeyahay Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo natiijada kulanka ka warbixiyay ayaa sheegay intii kulanku uu socday in kulankii maanta looga hadlay meesha uu marayo qorshaha dayn cafinta.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in ay ra’iisul wasaare Khayre ay uga warbixiyeen guulaha laga gaaray shuruudaha dayn cafinta ee dawladda lagu xiray iyo shaqooyinka qabyada ah ee dhammaytirka u baahan ah kahor shir dawladda Soomaaliya iyo IMF ay uga wada hadlayaan dar-dar gelinta cafinta daymaha Soomaaliya, kaas oo Nairobi ka dhacaya bisha December ee sannadkaan.

Shirka Toddobaadlaha ah ee geeddi socodka dayn Cafinta Soomaaliya oo ay kasoo qayb galaan dhammaan dhinacyada qaybta ka ah geeddi socodka ayaa looga hadlaa qodobada ka fulay heshiiskii Hay’adda lacagta adduunka (IMF) iyo Dawladda Soomaaliya iyo dar-dar gelinta qorshayaasha fududaynaya in Soomaaliya daynta laga cafiyo.



30 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines