Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Madaxwayne Erdogan Oo Reer Galbeedka ku Cadaadinaya Talaabo ka Dhan ah Sacuudiga.



Tue 13 November 2018.

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa sheegay booqashadii uu Axadii ku tagay magaalada Paris uu kula kulmay hogaamiyayaal badan oo uu kala hadlay tilaabo wadajir ah oo laga qaado dilkii suxufi Jamal Khashoggi oo ay sirdoonka Sacuudiga ku dileen Qunsliyadooda Istanbul, Turkey.

Erdogan oo la hadlay saxaafada shalay kadib markii uu dib uga soo noqday safarkiisa ayaa sheegay in kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Maraykanka Trump uga wadahadleen sidii tilaabo adag looga qaadi lahaa dadkii ka danbeeyey dilkaasi, isagoo sheegay in dhamaan xogtii ay hayeen ay ku wareejiyeen wadamada ay xulafada yihiin ee Reer Galbeedka, Erdogan ayaa sheegay in inta badan hogaamiyayaasha reer Galbeedka isku raaceen in lama huraan ay tahay in arrintan jawaab adag laga bixiyo, Madaxweynaha Turkiga ayaan faah faahin waxa ay noqon doonto jawaabtaasi.

Dhinaca kale jariirada New York Times ayaa shaacisay xog dheeraad ah oo la xariirta cajalada sirdoonka Turkiga ka duubay dilkii ka dhex dhacay Qunsuliyada Sacuudiga ku leeyahay Istanbul, waxaana codka la hayo kamid ah hogaamiyaha kooxda dilka geysatay Maher Abdulaziz Mutreb oo kamid ah illaalada Maxamed Bin Salman oo telefoon u diraya xogheynta Maxamed Bin Salmaan, isagoo dilkaasi kadib telefoonka ku yiri “…U sheeg hogaamiyaha hawshii waa la fuliyey…”.

Jaraa’idka kasoo baxay Turkiga ayaa maalmihii lasoo dhaafay faafinayey qeybo kamid ah cajalada Turkiga hayo oo aan weli si rasmi ah loo shaacin.



29 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines