Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Dagaal Khasaaro Culus Gaystay Oo U Dhexeeya Ciidamada Israa’iil Iyo Ururka Xamaas Oo Wali ka Socda Gaza.



Tue 13 November 2018.

Dagaall culus oo gaystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac iskugu jirta ayaa shalay iyo maanta ka socda marinka Gaza, kaasoo u dhexeeya ciidamada Israa’iil iyo ururka Xamaas.

Saraakiisha Falastiin ayaa sheegay in duqeymaha Israel ay ku dhinteen Lix qof oo shacab ah islamarkaaana sagaal kale lagu dhaawacay, halka ururka Xamaas ay sheegeen in looga dilay 4 qof oo ka tirsaa.

Dhina kale kooxaha caafimaadka Israel ay sheegay in hal qof yahuuda looga dilay gantaallo is-daba joog ahaa oo galabta ay ururka xamaas ku soo weerareen dhulka Israiil.

Milatariga Israel ayaa xalay duqeymo la beegsaday Marinka Gaza, ayaga oo sheegay inay ka jawaabayeen boqolaal gantaal oo Israel looga soo tuuray Gaza.

Ciidamada difaaca Israel ayaa maanta sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay beegsadeen bartilmaameedyada kooxaha Xamas iyo Islamic Jihad ee Gaza, islamarkaana “Xamas ay qaadi doonto cawaaqibka ficilladeeda:

Ciidamada milatariga Israel ayaa sheegay in tirada gantaallada ee Israel looga soo tuuray Gaza ay yihiin 370, kuwaasi oo boqol ka mid ah uu qabtay habka difaaca gantaallada Israel ee Iron Dome.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale burburiyey dhismaha taleefishinka Al-Aqa ee Xamas. Shaqaalaha Taleefishinka ayaa ka baxay dhismaha ka hor weerarka, kadib digniinta ciidamada Israel.

Qaramada Midoobey waxay ugu baaqday dhinacayada ku dagaallamaya Qaza inay joojiyaan dagaalka.



33 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines