Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Dhalinyaro Isku-dhaf ah Oo Bilaabay Xal U Raadinta Dagaalka Soomaalida Iyo Oromada.



Tue 13 November 2018.

Dhalinyaro ka kala socota qowmiyadaha Oramada iyo Soomaalida dalka Itoobiya ayaa waxay dhawaan ku heshiiyeen in khilaafka iyo isku dhacyada labada qowmiyadood u dhaxeeya ay iska kaashadaan sidii loo xalin lahaa.

Dhalinyarada labada dhinac ayaa waxa ay shirar ku qabteen meel kala duwan iyaga oo labada shacab ku boorinayay in ay nabadda ka shaqeeyaan.

Shirkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay dhalinyarada qowmiyadaha Oramada iyo Soomaalida ay ku qabteen magaalada Jigjiga.

Dagaalada u dhaxeeya Soomaalida iyo qowmiyada Oromada ayaa ah kuwa soo lab laabtay,isla markaana sababay dhimasho dhaawac iyo barakac intaba.

Sidoo kale Dhalinyaradan ayaa billaabeen barnaamij ay ugu magac dareen iscafis iyo midnimo oo ay ka bilaabeen caaimadda Adisababa iyo magaalada Jijjiga kaa oo ka hana qaaday meelo badan oo dibadda ah sida dalka Mareykanka.

Barnaamijkan ayaa waxa uu soo jiitay dhalinyaro aad u badan oo aad u soo dhaweeyey, waxa aana taa la gaarsiiyey gobollo badan.

Dhallinyaradan ayaa waxa ay sheegeen inaysan ahayn kuwa isabaabulay balse ay yihiin arday wax ka baratay gudaha dalka Itoobiya oo ka soo kala jeeda labada dhinac islamarkaasina ujeedadooda ay tahay sidii isbadel ay ugu keeni lahaayeen dadka deegaanka, ayagoo siyaasad ka madax bannaan" anaga siyaasiyiin manihin siyaasiyiinna nama wadaan" ayey tiri Filsan Cabdulaahi Axmed oo ka mid ah dhalinyaradan.



33 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines