Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Caawa Kormeer Kadis ah ku Tagay Koontaroolada Laga soo Galo Muqdisho.(Sawiro)



Tue 14 August 2018.

Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Asluubta ay wehliyaan saraakiil ciidan ayaa galabta ilaa caawa waxa ay kormeero kadis ah ku tageen koontraroolada laga soo galo magaalada Muqdisho iyo qaar kale oo yaala gudaha magaalada.

Taliyaasha ciidanka ayaa goobaha ay kormeerka ku tageen waxaa kamid ah Shineemo Cabdi waayeel, Ex-Kontarool Balcad, Ceemiska, Carafaad, Qabuuraha Barakaat, Koontaroolo kuyaala Dayniile, Tareedisho, Ex- Kontarool Afgooye iyo Kaxda.

Waxa ay taliyaashan kormeerka sameeyay ciidamada amaanka ee ku sugan koontaroolada laga soo galo magaalada Muqdisho iyo kuwa magaalada dhaxyaala ku amaaneen sida ay u feejigan yihiin iyo howlaha adag ee hayaan.

Koontaroolada laga soo galo magaalada Muqdisho ayaa la dhigay ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya kuwaa oo xaqiijinaya amaanka magaalada , waxaana ciidankan amaanka Muqdisho iyo duleedkeeda la wareegay ay badaleen ciidankii Xasilinta.



64 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines