Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Maamulka Jubbaland Oo ka Hadlay Burburin loo Geystey Xarun Shirkada Hormuud ay Lahayd.



Tue 14 August 2018.

Kulan ay ku yeesheen Golaha Wasiirada Jubbaland magaalada Kismaayo ayaa loogaga hadlay burburin lo geystey xaaladda  xarun ay Shirkadda Hurmuud ay ku lahayd deegaan ka mid ah Jubbaland.

Kulankan ayaa golaha wasiirada Jubbaland waxa ay warbixin ugaga dhegeysteen guddi heer wasiiro ah ee loo xilsaarey inay soo baaraan dhibaatadii ka dhacdey deegaanada ku teedsan xudduuda  dalka Kenya.

Kulankan oo uu shir guddoominayay  Madaxweyne ku-xigeenka 1 aad ahna kusimaha Madaxweynaha dowlad-gobleedka Jubbaland kana dhacay xarunta Madaxtooyada Jubbaland ayaa maanta waxaa si gaar ah looga doodey dhacdadii ka dhacdey Tuulada Cali Buuleey ee hoos tagta deegaanka Dhoobley Taariikhdu markii ay ahayd 13/08/2018.

Kulanka kadib ayaa warsaxaafadeed laga soo saaray waxaa lagu sheegay in Maamulka Jubbaland uu ka xunyahay dhacdada foosha xun ee ka dhacdey deegaanka Cali Buuleey,laguna dhibaateeyay dad aan waxba galabsan ,iyadoo loo geystay khasaaro Naf iyo Maalba leh laguna burburiyay hantida shirkadda Hormuud,iyadoo sidoo kale dhacdadani tahay tii 6-aad ee ka dhacda deegaanada dowlad-goboleedka Jubbaland ee ku teedsan xudduuda  aan la wadaagno dowladda aan dariska nahay ee Kenya.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in goluhu uu cambaareynayo  dadka ku lug leh  arintaan,oo aan xaqiijinay in ay ka soo gudbeen xudduuda aan la wadaagno dowladda Kenya.

Ugu dambeyntii Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland oo kaashanaysa dowladda Federaalka ee Soomaliya iyo Madaxda deegaanada  Mandheera,Wajeer, iyo Gaarisa waxay weydiisteen in ciddii ku lug leh arintan Sharciga la horkeeno,lagana qaado Magdhow Naf iyo Maalba leh.



65 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines