Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Daawo Odayo dhaqameed Iyo Ciidamada Fadaraalka Itoobiya Oo Kulan Dajinta Xaaladda la Qaatay Taliya Liyuu Booliiska.



Fri 10 August 2018.

Odayo dhaqameedka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo 25 ka badan ayaa kulan la qaatay Taliyaha Liyuu Booliiska Cabdiraxmaan Cabdullaahi Buraale iyaga oo ka codsaday in xaaladda la dajiyo ciidammadana lagu kala celiyo goobihii ay ku kala qornaan jireen, sida ay sheegeen qaar ka mid ah odayada.

Odayo dhaqameedka ayaa sheegay in ay is afgarad kala soo tageen taliyaha ciidammada askarta qaarkoodna ay billaabeen in ay ku laabtaan fariisimahoodii.

Dhanka kalana ciidammada milatariga, booliiska faderaalka iyo booliiska deegaanka ayaa kulan ku qaatay magaalada Jigjiga waxayna sheegeen in xasilooni la gaaray markii ay iyagu wada shaqeeyeen shacabkana kaashadeen, sida uu ku warramay telefeshinka deegaanka ESTV.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in booliiska Soomaalidu ay billabeen in ay la hawl galaan laamaha ammaanka ee faderaalka.

Shacabka jigjiga ayaa sheegay in aysan magaalada ku dhex arkin ciidammada gaarka ah ee Liyuu booliis, balse ay meelo badan oo magaalada ah ku arkeen booliiskii kale ee Soomaalida ah ee deegaanka.

Halkan ka Daawo Kulamada

 



28 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines