Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Dawlada Itoobiya Oo Xayiraadda ka Qaadday TV-yo iyo Shabakadaha Internetka.



Fri 22 June 2018.

 

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay inay xayiraadda ka qaadday in ka badan 250 TV iyo shabakado Internet oo hore u xannibnaa.

Agaasimaha xafiiska ra'iisulwasaaraha Fistum Arega ayaa Twitterka ku qoray “xoriyadda xogta ayaa aas aas u ah in la helo muwaadiniin lahaansho iyo masuuliyadba leh. Meel ay aragti xor ah taallo oo kali ah ayaa runta laga salgaaraa.

Arrintan ayaa astaan u ah isbeddello xoog leh oo dalka uu ka wado ra'iisul wasaaraha cusub, Abiy Ahmed.

In ka badan 10 sano ayaa maamulayaasha Itoobiya waxay aad u xannibeen in la booqdo Internetka, waxayna xireen maxaddado TV, kuwaasoo loo arkay in ay afdheer yihiin.



76 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines