Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Xildhibaan Afaraale Oo Sheegay In Cabsi ka Jirto Dhulkii Dowladdu Maamusho, Dhulka Shabaabkuna Nabadi ka Jirto.



Fri 22 June 2018.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale ayaa sheegay in Ciidamo labisan dareyska  Milateriga ay bishan gudaheed 19 gabdhood ku kufsadeen wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

 

Xildhibaan Afaraale ayaa sheegay in dhibaatada ka jirta wadadaas ay la wadaageen Guddiyada Joogtada Golaha Shacabka oo maalintii shalay ku shiray magaalada Muqdisho.

“Arrin aad u daran ayaa ka jirta wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo, dhulkii dowladda ay maamuleysay ayaa cabsi ka jirtaa, shacabkana ma heystaan amni, dhulka Shabaabka ayaaba nabad ka jirta, dadkaasi waxay doonayaan in ay iska horkeenaan dowladda iyo shacabka”ayuu yiri Xildhibaan Afaraale.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa ka codsaday dowladda Federaalka inay wax ka qabato dhibaatada ka jirta wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Dhinaca kale Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka jira wadada ay tahay meelaha ugu badan ee dowladda ku sugan tahay, gaar ahaan inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn oo kufsiga ugu badan uu ka dhacay maalmihii la soo dhaafay.



77 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines