Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Nin Lacag La,aan Looga Qaaday Kuraas Uu U Sameeyay Madaxwaynaha Kenya Oo Dacwad ku Furay Madaxtooyada.



Mon 11 June 2018.

 

Solomon Njoroge Kiore oo ah nijaarkii sameeeyay kursiga uu ku fadhiisanayay madaxwaynaha Kenya ayaa ka cawday inaan wax lacag ah laga siinin kuraasta tuu u sameeyay madaxtooyada mudo 26 sano ka hor.

Nin nijaar ah oo sameeya kuraasta oo u dhashay dalka Kenya ayaa dacwad ku furey dowladda dalkaas, wuxuuna doonayaa in la siiyo lacag dhan $2 milyan oo doolar, maadaamaa aanan la siinin kuraas looga qaaday madaxweyne Daniel Arap Moi in uu ku fariisto.

Solomon  ayaa sheegay in kuraasta laga qaatay, madaxweynaha oo hadda xilka ka dagayna uu isticmaalayay muddo sanad ah, balse wasaaradda gaashaandhiga oo loo igmaday in ay kuraasta soo iibiso aysan wax lacag ah siinin najaarka.

Kuraastii ayaa loo celiyay, waxayna hadda iska dhex yaalaan dukaankiisa, islamarkaasna ciriiri badan ku hayaan maadaamaa ay yihiin kuwaas waaweyn.

Wargeys Nairobi kasoo baxa ayaa Njoroge kasoo xigtay isaga oo leh "Waa astaan awoodeed, waxaa muddo sanad ah isticmaalay madaxweyne, ma jirto qof loo ogolyahay in uu taabto, ganacsigayga hoos ayuu u dhacay maadaamaa aan dadka u diiday in ay taabtaan".

Garyaqaan dowladda u hadlay ayaa bishii Feberaayo sheegay in ay xiriir la samayn doonaan ninkan, balse wali wax war ah lagama helin.

Mr Njoroge ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in kuraastan la dhigo madxafka dhawaan laga sameeyay madaxtooyada Kenya.

Sikastaba ha ahaatee Kursiga madaxweynaha waa kan ugu sareeya ee dal laga fikiro, mana ahan mid la helo, balse ka waran ninka kursigaas inta laga qaatay, aanan haddane wali wax lacag ah laga siinin?.



103 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines