Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Maxkamada Maraykanka Oo Xabsi 18 Sano ah ku Riday Gabadh Naqshadeysa Xijaabka.



Thu 31 May 2018.

Gabadh dharka naqshadaysa ,oo taariikh ka sameysay toddobaadkan bandhiga dharka ee lagu qabtay New York ,kana qeybgalisay bandhiga gabdho ku labisan xijaabka ayaa lagu xukumay 18 sano oo xarig ah ka dib markii lagu soo eedeeyey arrimo la xiriira been abuur.

Anniesa Hasibuan oo u dhalatay dalka Indonesia iyo seygeeda Andika Surachman, ayaa lagu helay dambi ah inay been abuur ka sameeyeen shirkaddooda diyaaradaha ee First Travel.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ay lunsadeen lacag ka badan 60 milyan oo doolar oo loogu talagalay xujayda u safrayay sanadkan magaaladaa Barakeysan ee Meka,balse waxaa lagu soo eedeeyey inay lacagtaas lunsadeen ,safarkana uusan qabsoomin oo uu baaqday.

Sidoo kale Hasibuan ayaa lagu sheegaa inay tahay gabadha ugu caansan ee dhanka naqshadayta dharka ay xirtan gabdhaha Muslimiinta ah, iyadoo dharkeeda lagu soo bandhigay munaasabado badan oo lagu qabtay London ,Istanbul iyo Cannes. 



286 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines