Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

In ka Badan 50 Qof Oo ku Dhimatay Dooni ku Dagtay Webi ku yaal Dalka Congo.



Fri 25 May 2018.

Waddanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa sheegaya in dad badan lagu la'yahay webiga Momboyo ee gobolka waqooyiga ee Tshuapa, kaddib markii ay halkaasi ku degtay doonnidii ay dadkaasi saarnaayeen.

Saraakiisha dalka Burundi ayaa sheegay in 49 qof la la'yahay kaddib markii ay degtay doonay saarnaayeen,sidoo kalema waxaa ka badbaaday Ku dhawaad 50 qof oo kale oo saarnaa doontaasi.

Doontan ayaa ku socotay inta u dhaxeyso magaalooyinka Monkoto iyo Mbandaka ee dalkaasi, balse Dalkaasi Jamhuuriyda Dimoqaraadiga ee Congo ayaa waxaa caadi ka ah In lagu safro doomo aad u buux dhaafa, maadaama wadooyin badan oo dalkaasi ah ay yihiin kuwa aanan la isticmaalin.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shuwaaba oo ah goobta ay doontu ku degtay ayaa sheegaya in kooxaha gurmadka ay kusii jeedaan goobta uu shilku ka dhacay, halkaasi oo meydad badan aana wali laga soo saarin.

Sikastaba ha ahaatee bishii lasoo dhaafay in ka badan 40 qof oo doonay ay inay gaaraan dalka dariska la ah ee Congo Brazavile ayay doon la degtay.



89 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines