Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

MADAXWAYNE MUUSE BIIXI OO DIYAARIYEY BEDELKA MASUULIYIIN KA TIRSAN XUKMADIISA OO SALUUG LAGA MUUJIYAY+MAGACYADA MASUULIYIINTA.



Tue 10 April 2018.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa  La Sheegay Inuu Diyaariyey Bedelka Masuuliyiin U Badan Wasiiro Oo Ka Tirsan Xukumadiisa.

Xogaha Ay Shebekada Gebogebonews Helayso Ayaa Sheegaayna Inuu Madaxweyne Muuse Biixi Saluugay Hanaanka Ay Ushaqaynayaan Qaar Kamida Wasiirada  Iyo Gudoomiyaashii Gobalada Dalka Ee Uu Magacaabay.

Masuuliyiinta  Uu Madaweyne Muuse Biixi Sida Weyn Usaluuqsan Yahay Ayaa Waxaa Kamida Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi, Wasiirka Wasaarada Warfaafinta C/raxmaan Faarax Guri-barwaaqo Iyo Gudoomiyaha Gobalka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi.

Xogaha Ayaa Intaasi Ku Daraana In Bedelka Masuuliyiinta la Diyaariyey Islamarkaasina Wasiirka Maaliyada Lagu Wado In Laga Dhego Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Wasaaradii Arimaha Dibada Xukumadii Silaanyo Am Kaysar,Gudoomiyaha Gobalka Togdheer Ayaa Isna Lagu Wadaa In Laga Dhigo Siyaasi Maxamed Maxamuud Ubaxle.

Tan iyo intii ka dambeysay Wakhtigii La Magacaabay Masuuliyiintani Waxaa Soo Baxayay Cabashooyin Badan Oo Ka Tirsanaayen Bulshadda Qaybaheeda Kala Duwani Musuuliyiintani  Islamarkaasin Ay  U Gudbiyeen Madaweynaha.

Xigasho Gebogebonews.Com

Awdalmedia.com

Hargeysa



172 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines