Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Qarax Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Jowhar



Sat 07 April 2018.

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in qarax goordhow ka dhacay deegaanka Xaashooley oo dhinaca Waqooyi ka xiga 4km magaalada Jowhar ay ku dhinteen 3 ruux isla markaana qof kale uu ku dhaawacmay.
Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid lagu aasay dhulka iyadoo goobta qaraxa uu ka dhacayna ay hayd bar koontarool waxaana labo ka mid ah dadka ku dhintey qaraxan ay ka tirsanaayeen ciidamada milatariga halka qofka kale ee dhintayna uu ahaa rayid.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ahaa qarax xoog leh waxaana laga maqlay meelo ka fog fog halka uu ka dhacay.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxan balse waa markii labaad oo qarax noocan oo kale ah uu ka dhaco deegaanka Xaanshooley.



172 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines