Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Ciidamo AMISOM Oo la Wareegay Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka.



Sat 17 March 2018.

Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa guud ahaan la wareegay ammaanka xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdishio.

Inku dhow 100 Askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ee ka ah howlgalka AMISOM ayaa ku sugan xarunta Golaha Shacabka oo uu guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Cismaan Jawaari uu ku eedeeyay ciidamo uu soo direy ra’iisul wasaare Kheyre ay la wareegeen amniga xarunta golaha shacabka.

Taliyaha ciidamada Booliska ayaa sheegay in sababaha ciidamada loogu kordhiyay ay yihiin sidii loo xoojin lahaa amniga xarunta golaha shacabka.

Hase yeeshee ciidamada cusub ayaa ah kuwo lagu kordhiyey ciidamo hore ugu sugnaa xarunta golaha shacabka.

Khilaafka ka dhex taagan baarlamaanka Soomaaliya ayaa xoogeystay, waxaana uu sameyn ku yeeshay howlihii baarlamaanka Soomaaliya.



153 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines