Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Madaxweyne Farmaajo Oo Kormeer Shaqo ku Tagay Isbitaalka Ciidamada Xoogga Dalka.(Sawirro)



Wed 14 March 2018.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka Xoogga dalka ee magaalada Muqdisho isagoo ku ammaanay hoggaanka Caafimaadka iyo howlwadeennada Isbitaalkan sida ay ugu adeegayaan ciidanka, iyagoo ku shaqeynaya duruufo adag iyo agab aan dhammeystirnayn.

Farmaajo ayaa dul istaagay xaaladda bukaannada ku jira Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan askarta ku soo dhaawacmay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo warbixintooda ka dhageystay dhakhaatiirta ka howlgala Isbitaalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay sida ay uga go’antahay wax u qabashada ciidanka ku dhaawacmay howlgallada dalka lagaga xoreeynayo Al-shabaab, isagoo faray Hoggaanka Caafimaadka inay sii kordhiyaan heeganka ay ku jiraan.

“Inaan dhamaanteen u istaagno daryeelka iyo ka warqabka ciidanka u dhaawacmay difaaca dalkeenna waa waajib uu ina farayo damiirkeenna iyo diinteenaba. Soomaaliya maanta xaaladda ay ku jiro waxaa ka samata bixin kara ciidankeeda oo taageero dhinac walba ah ka hela shacabkooda.” ayuu yiri Madaxweynaha.

Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka ee Ciidanka Xoogga dalka G/lle Mahad Cabdullaahi Nuur ayaa Madaxweynaha la wadaagay dadaallada ay ugu jiraan dib u habeynta Isbitaalka Ciidanka Xoogga dalka iyo muhiimadda ay leedahay in dhakhaatiirta Soomaaliyeed ay kaalintooda ka qaataan garab istaagga Ciidanka.



152 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines