Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Aqalka Sare Oo ku kala Aragti Duwan Doodda Xeerkii Golaha Shacabka Uu kasoo Saaray DP World.



Wed 14 March 2018.

Xildhibaannada Aqalka sare ayaa lagu waramayaa in ugu danbeyntii ay kula tageen kulan muddo dheer qaatey oo looga dooddayay go’aanka Aqalka sare uu ka qaadanayo Xeerkii maalin ka hor xildhibaannada Golaha shacabka isku raaceen ee ka dhanka ahaa shirkadda DP World.

Mudanayaasha Aqalka sare ayaa siweyn isugu khilaafay doodda arintan ku saabsan oo markii danbe xitaa isku afgaran waayay waqtiga go’aan ka gaarista qodobka.

Kulanka xidlhibaannada Aqalka sare oo siweyn isha loogu wada hayay ayaa u muuqda mid ku soo dhamaaday natiijo la’aan, iyadoo la filayay in goluhu ku raaci doono baarlamaanka Soomaaliya go’aankii uu qaatay shirkadda laga leeyahay dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta ee DP World.

Xildhibaannada qaarkood ayaa soo jeediyay in loo yeero ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka arrimaha dibeda si arintan wax looga weydiiyo

Guddoonka Aqalka sare ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan doodda arintan ku saabsan todobaadyada soo socda.



126 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines