Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Dawlada Britain Oo Qorshaynaysa Inay Ku Dhawaaqdo Talaabooyin Ka Dhan Ah Ruushka Iyo Sababta Dhalinaysa.



Wed 14 March 2018.

Ra'iisal wasaaraha Britain, Theresa May, ayaa maanta lagu wadaa in ay ku dhawaaqdo tallaabooyin dhawr ah oo ka dhan ah dalka Ruushka, kaddib markii xukuumadda Moscow ay ku guuldareysatay in muddadii loo qabtay ay ku caddeyso sababta loo sumeeyay Sergei Skripal oo ka tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka iyo gabadhiisa.

Muddada Britain ay u qabatay Moscow ayaa ku ekayd habeen badhkii xalay, ilaa haatanna Moscow wax jawaab ah kama aysan bixin arrintaasi oo aan ka ahayn in ay beenisay ku lug lahaanshaheeda isku dayga lagu doonayay in lagu khaarajiyo Sergei Skripal iyo gabadhiisa Yulia.

Sergei Skripal ayaa ka tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka balse wuxuu si hoose ula shaqeyn jiray mukhaabaraadka Britain, waxaana markii dambe magangelyo laga siiyay Britain.

Tallaabooyinka la filaya in Britain ay ku dhawaaqdo ayaa waxaa ka mid ah in dalka laga ceydhiyo tiro diblomaasiyiin Ruush ah iyo in xayiraad lagu soo rogo muwaadiniin Ruushka u dhashay oo hantiileyaal ah oo lala xidhiidhinayo madaxtooyada Kremlin.

Xukuumadda Moscow ayaa sheegtay in ka jawaabi doonto tallaabooyinka Britain ee iyaga ka dhanka ah.



156 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines