Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Hogaamiyaha Mucaaradka Sierra Leone Oo ku Guuleystay Wareegga 1aad Ee Doorashada Madaxtinimada Dalkaasi.



Wed 14 March 2018.

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Sierra Leone, Julius Maada Bio, ayaa ku guuleystay wareegga koobaad ee doorashada madaxtinimada ee dhawaan ka dhacday dalkaasi balse kuma uusan guuleysan in uu noqdo madaxweynaha dalka.

Julius Maada Bio ayaa helay 43% codadkii la dhiibtay, taa oo ka dhigan in uusan noqon madaxweynaha dalka maadaama uusan helin codkii loo baahnaa ee ahaa 55%.

Maada Bio oo ahaan jiray madixii ciidamada milatariga sanadkii 1996 ayaa wareeggan koowaad uga adkaaday Samura Kamara oo la tartamayay.

Samura Kamara oo ka tirsan xisbiga haya talada dalkaasi ayaa helay 42% arrintaa oo ka dhigan in la aado wareeg labaad oo la sheegay in uu dhici doono laba toddobaad kaddib.

Madaxweyne Ernest Bai Koroma ayaa xilka isaga degaya kaddib markii uu dalkaasi soo xukumayay tobankii sano ee la soo dhaafay.

Sikastaba ha ahaatee doorashada wareegga koowaad ee dalkaasi Sierra Leone ayaa u dhacday si nabdoon,iyadoo uu dalkaasi soo maray colaad sokeeye oo uu dhiig badan ku daatay.



125 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines