Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Dalalka Kuwait iyo Sweden Oo Qaramada Midoobay Hor-geeyay Qaraar Lagu Hakinayo Dagaalka Suuriya.



Thu 22 February 2018.

Dalalka Kuwait iyo Sweden ayaa Golaha aammaanka ee Qaramada Madoobay ugu baaqay in ay ka baarandagaan qaraar ku baaqaya in muddo 30 maalmood ah la joojiyo dagaalka Suuriya,

Qaraarkan ayaa fursad siinaya in hay'adaha gargaarka ay deeq  gaarsiiyaan dadka ku tabaalaysan dalkaasi, balse su'aasha taagan ayaa waxa ay tahay in Ruushka ay ogolaan doonaan in qaraarkan la meelmariyo iyo in kale.

Ruushka ayaa marar badan waxa ay qaraarada Suuriya u adeegsadeen codka diidmada qayaxan ee Veto si ay u difacaan xukuumadda Assad.

Danjiraha Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in kulan daahfuran ay yeeshaan dhamaan dhinacyada golaha ammaanka islamarkana la raadiyo sida xaaladda taagan looga bixi karo.

Dhinaca kale dublamaasiyiinta reer galbeedka ayaa waxa ay arrintani u arkaan in ay tahay qorsho ay Ruushka ku doonayaan in ay dib ugu dhigaan qaraarka.

Sidoo kale Dublamaasiyinta reer galbeedka ayaa waxay ku doodeen in Ruusku uu doonayo in waqti dheeraad ah la siiyo ciidamada dowladda si ay u sii wadaan weerarka ay ku hayaan bariga Ghouta.



153 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines