Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Odayaasha iyo Waxagaradka Sh/Hoose Oo Walaac ka Muujiyay Howlgaladii Ciidamada Dowladda.



Sat 17 February 2018.

Odayaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa cabasho ka keenay howl gallo maalmihii la soo dhaafay ka sameeyeen ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaasoo la wareegay deegaano dhowr ah, kadibna ay isaga baxeen.

Howl galadan ayaa ciidamada xoogga dalka ay kula wareegeen deegaano hoos-taga degmada Afgooye, iyadoo markii dambe ay isaga baxeen ciidamada.

Waxgaradka ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay la wareegeen degaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, islamarkaana ay soo dhaweeyeen dadkii kunoolaa degaanadaasi , balse Ciidamada dowladda ay haddana ay ka baxeen deganaadaasi, islamarkaana ay Shabaab ka qabsadeen Mar kale.

Suldaan Cali Shariif oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda deegaanadaas ayaa sheegay in howl galadii ciidamada wadeen ay dhib fara badan kala kulmeen, isla markaana uga sii dareen sida uu yiri.

“Waxaa aad uga soo horjeedaa in dowladdii inta deegaanada tagto oo shacabkii markii ay soo dhoweeyeen ay hadana ka baxdo, runtii arrintaas ma ahan arrin wanaagsan in shacabkii Awdheegle iyo deegaanada kale deganaa in lagu diro dadkii kale ee la joogay, hadana ay isaga soo baxaan”ayuu yiri.

Suldaanka ayaa sheegay in ciidamada dowladda laga doonayo in deegaanada ay qabsadaan ay saldhigyo ka sameystaan, isla markaana aanay dooneyn in shacabka qalqal la geliyo ama lagu diro dhinacyada dowladda ka soo horjeeda.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay xirxireen dad fara badan oo ay ku eedeeyeen inay soo dhoweeyeen markii ciidamada dowladda la wareegeen deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose



140 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines