Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Booliiska Koonfur Afrika Oo Weeraray Guriga Gupta Oo Saaxiib Dhaw lahaa Madaxwayne Zuma.



Wed 14 February 2018.

Ciidammada sida gaarka u tabobaran ee la dagaalanka dambiyada ee loo yaqaano Hawks ee dalka Koonfur Afrika ayaa aroornimadii maanta weerar lama filaan ah ku qaaday guri uu Johannesburg ku leeyahay nin ganacsade ah oo saaxiib la ah madaxweyne Jacob Zuma.

Waxa ay ciidanka baarayaan eedeymo la xiriira in Mr Gupta uu dowladda madaxa ka qabsaday isaga oo aanan ka mid ahayn, islamarkaasna xitaa mararka qaarkood magacaabayay xubnaha golaha wasiirada qaar si uu uga helo abaalmarin.

Illaa 3 qof ayaa illaa iyo hadda lasoo xiray , oo uu ka mid yahay mid ka mid ah ragga la dhashay Atul Gupta.

Qoyska Gupta ayaa intii muddo ahba waxaa lagu eedeynayay in saaxiibtinimada kala dhaxaysa madaxweyne Zuma awgeed ay ku heleen lacago badan si musuqmaasuq ah, islamarkaasna u yeesheen saamayn siyaasadeed oo aanan caadi ahayn. Balse iyaga waa ay beeniyeen eedeymaha loo jeediyay.

Xilliga uu hawlgalka kusoo beegmay ayaa ah xili madaxweyne Zuma loogu baaqay in uu xilka ka dego, lagana yaabo in saacadaha iyo maalmaha soo socda uu ku dhawaaqo in uu is casilay.

Zuma laftiisa ayaa loo heystaa dacwado badan oo la xiriira musuqmaasuq iyo wax isdabo marin.

Laanta Hawks oo ka tirsan booliiska waxa ay u qaabilsantahay baaritaanada dambiyada mudnaanta koowaad leh, waxayna sheegeen in ay baarayaan guriga oo ah mid aad u weyn oo gidaaro waaweyn ku xeendaabanyihiin.

Mar sii horeysay ciidanka waxa ay galeen beer aseendo ah oo meel gobol ah ku taala, taas oo ay qoyskan leeyihiin, lagana yaabo in caddeymo halkaas laga heley uu horseeday weerarka maanta guriga lagu qaaday sida ay tabinayso warbaahinta Koonfur Afrika.

Beertan oo ku taala meel u dhow magaalada Vrede ee gobolka Free State ayaa lagu magacaabaa Estina, waxaana lagu xanaaneeyaa lo' badan oo caano laga liso, ujeedkuna uu ahaa in nolosha dadka madoow lagu soo kobciyo, hase yeeshee qoyska Gupta ay ka macaasheen lacago badan si sharci darro ah.



158 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines