Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Khamri iyo Xashiishad Tiro Badan Oo Lagu Qabtay Magaalada Burco.(Sawiro)



Sun 11 February 2018.

Ciidamada booliiska maamulka Somaliland ayaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ku qabtay Khamri aad u tiro badan iyo Xashiish lagu iibinayay qeybo kamid ah magaaladaasi.

Booliiska Burco ayaa qabtay 904 Dhalo oo Khamri ah iyo Maandooriyaha Xashiishka oo gaaraya Hal Kiilo iyo Bar, waxaana waxyaabahan maanka dooriya ka ganacsanayay dad magaalada jooga.

Xashiishka ay qabteen ciidamada booliiska ayaa qaar kamid ah lagu beeray guri kuyaala magaalada Burco , halka khamriga ciidamada kasoo aruuriyeen qeybo kamid ah gobolka Togdheer.

Fagaare kuyaala Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa lagu bur buriyay Dhalooyinkii Khamriga ahaa halka sidoo kale dab la qabadsiiyay waxyaabaha kale ee maanka dooriya sida Xashiishka.

Deegaanada maamulka Somaliland ayaa si weyn looga isticmaalaa waxyaabaha maanka dooriya sida Khamriga iyo xashiishka, ciidamada booliiska ayaana dagaal kula jira sidii ay waxyaabahaasi maanka dooriya uga hortagi lahaayeen.



158 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines