Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

MAHADSANID SULDAAN QALINKII: M.A.MUMIN



Thu 08 February 2018.

Bismilaah.

Marka hore Allah ayaa Mahadleh, mar labaad aan u mahadceliyo guud ahaan hogaanka dhaqanka jamuuriyada Somaliland, waxaan jeclahay inaan si gaara u xuso uguna mahadceliyo Suldaanka ugu da’da yar salaadinta waa Suldaan Ahmed -Ciid Suldaan Sh.Muse Jaamac Goodaad ,oo u xadhko xidhay ,dadaal badan ugalay sidii loo soo celin lahaa Masiirkii, Kalsoonidii iyo Karaamdii salaadiinta Somaliland.

Waa marag madoon in Somaliland tahay dalka ugu nabadoon geeska Africa, dawladaha caalamkuna in badan ku baaqeen in lagu daydo nabada ka hirgashay Jamuuriyada Somaliland. Waxana xusid mudan in Hogaanka dhaqanku uu ahaa lafdhabrtii , daal iyo diifna u mareen nabada aynu manta ku naaloonayno.

Nimco walba nusqaaleh , waxaa dhawaan soo ifbaxay raga ku magacaaban kuna labisan dharkii salaadiinta, balse aan hayn shaqadii lagu yaqaanay hogaanka dhaqanka ee hayd Nabadaynta iyo isku xidhka bulashada , waxayse noqdeen rag shaanbad xun ku noqday sharfatii ,qadarintii,iyo muuqalkii suldaanimo, khal khalna ku beeray nabadii ,cabsina galiyay qulubta dadwaynha , kana doorbiday dantii guud midooda gaar ahaaneed.

Culays walba faraj iyo fudaybaa ka danbeeyaa , waa Alle mahdii mar hadiiba Suldaan Ahmed -Ciid Suldaan Sh.Muse Jaamac Goodaad, oo geed dheer iyo mid gaaban u fuulay sidii loo soo celin lahaa Haybadii suladaanimo, loona kala saari lahaa siyaasada iyo suldaanimada , uguna baaqay salaadiintu inay ka baxaan masraxa siyaasada ,dalkana ku soo dabaalaan Nabad. Waxaan leeyah suldaan waad ku mahadansatay inbadan sidaad uga shaqaynayso horumarinta bulshada iyo adkaynta nabad.

WAA QALINKII: M.A.MUMIN

 



357 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

09:04am, Thu 15 November 2018