Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Ciidamada Kenya iyo Al-shabaab Oo ku Dagaalamay Degmada Lamu.



Sun 14 January 2018.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Kenya ayaa ka hadlay weerar ka dhacay inta u dhaxeyso magaalada Mandheera iyo degmada Lamu ee dalka Kenya.

Saraakiisha ayaa sheegay in weerarka uu ka dambeeyay kadib markii ciidamada Al Shabaab ay weerareen kolonyo ay la socdeen ciidamadooda oo halkaasi marayay.

Mid kamid ah ciidamada Kenya ayaa ku dhintay weerarka, kuwo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Kenya.

Mwenda Njoka, afhayeenka wasaaradda arimaha gudaha ayaa sheegay in dabley hubeysan oo watay qoryo culus inay ka dambeeyeen weerarka.

Wuxuu sheegay in ciidamada ay halkaasi ka wadaan baaritaano iyo ka hortagista weeraro kale oo Al Shabaab ka geystaan gobolka waqooyi bari Kenya.

Al Shabaab ayaa marar badan weeraray ciidamada Kenya oo ku safray gobolka Waqooyi bari Kenya.



147 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines