Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Abwaan Cali Diiriye (Cali-gaab) Oo Ku Geeriyoodey Dalka Jabuuti.



Fri 12 January 2018.

Allaha Naxariistii jano hasiiyee Abwaan Cali Diiriye Cali(Cali-gaab),oo hore uga mid ahaa hal-abuurka Soomaaliyeed ee dhinaca Suugaanta,tan iyo intii ka dambeysay Burburkii Soomaaliyana katirsanaa Ciidamada Jabuuti ayaa maanta ku geeriyoodey,Magaalada Jabuuti ee dalkaasi Jabuuti.

Marxuumku waxa uu hore uga mid ahaa Abwaanadii Hobolada Waaberi,ee Heesaha Waddaniga ah alifaadooda u badnaa isagoo,burburkii Soomaaliya intii ka dambeysay u Wareegay Dalka Jabuuti islamarkaana, kamid noqdey Saraakiisha Ciidanka Milatarriga dalkaasi Jabuuti gaar ahaana Kooxda Xarbi oo uu Abwaan uga noqdey dhinaca Suugaanta Wadaniga ah Waxaanu,alifey mudadii uu Jabuuti joogay Heeso badan oo dhinaca Waddaniga ah iyo kuwa kale oo lagu taageerayo Madaxweynaha Jabuuti.

Marxuum Cali Diiriye Cali (Cali-gaab),ayaa lagu Xusuustaa heesihii uu alifey Wakhtiyadii uu Socdey Dagaalkii u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya Sida heestii ‘Hoheey Afrikaay Hurudooy Halyeeyadaadii Hurudooy Haadbaa Cunaayee Hurudooy’ ‘Waa Boqol Yuhuuduye’ iyo Suugaan kale oo badan.

Allaha ha u naxariistee Marxuumka ayaa lagu aasi Doonaa Magaalada Jabuuti Maalinta Barito ee Jumcaha ah Waxaanu u geeriyoodey Xanuun haleelay Sanadihii u dambeeyay.



509 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines