Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Badhasaab Buraalaha Awdal Oo Ku Fashilmay Inuu U Qaylo-dhaamo Dadka Ay Abaartu Ku Dhufatay Ee Degmada Lughaya.



Thu 11 January 2018.

Iyada oo ay xaalad abaareed oo maalinba maalinta ka dambaysa sii kululaanaysa ay ku dhufatay degaano ka mid ah degmada Lughaya ee gobolka, ayaa badhasaaabkii gobolka Awdal Mudane Buraale oo yahay masuulka kaliya ee ay qaylo dhaanta abaartaasi sida tooska ah u khusayay, balse aan wali ka hadlin xaaladaas abaareed oo xoolahii ay u le’anayaan dadkiina ku sababtay inay soo barakacaan.

Badhasaab Maxamuud Jibriil Gaaxnuug Buraale ayaa sida ay ilo wareedyo xog ogaal ahi sheegayaan lagu wargaliyay xaaladan abaareed ee jirta, waxana la filayay inuu hogaanka u qaban doono gurmad qaylo dhaan ah oo abaartaas laga digay ee bilawga ah, looga gurmanayo si aanay qasaare u ugaysan, waxase uu badhasaab buraale u muuqdaa mid ka masuugay in uu ereyo kooban oo dadkaas ay abaartu taabatay ehel u noqon lahaa uu afkiisa ka yidhaahdo, waxana ay aamusnaantani milgo xumo ku tahay masuuliyada uu dadka u hayo.

Waxa kale oo intan dheer oo jirta in todobaadadii u dambeeyay uu badhasaab Buraale ahaa mid ku badan ka hadalka warbaahinta, kasoo intabadan ka hadlayay xadhiga labo wariye balse waxa ay taariikhdu xustay in mar kaliya aanu ka hadlin arintan bani’aadanimo ee ka taagan  gobolka Awdal ee uu ka yahay masuulka ugu sareeya, ee lahayd mudnaanta koowaad, waxana arintani ay waji gabax ku noqotay dad badan oo badhasaabka ka filayay in uu dhulka ka kaco oo hormood ka noqdo qaylodhaanta iyo gurmadka ay rabaan dadka ku nool Awdal ee ay abaartu ku dhacday.

Arintu si kastaba ka hayaatee, waxa ay dad badan sii xasuusan yihiin sidii uu Badhasaabkii Hore ee Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax uu dirayska tuutaha ah ugu gashaday in uu qaylodhaan u diro una gurmado dadkii ay abaartu saamaysay ee gobolka Awdal ku noolaa dhawr sano kahor, waxase ay xaqiiqdu tahay oo aan Meesha ka maqnayn in la ogsaanaado in Badhasaab Buraale aanu ahayn Badhasaab Ramaax, loona baahan yahay in aan laga dagdagin waxa u qorshaysan Badhasaab Buraale ee ku aadan xaalada abaarta ee ka jirta Degmada Lughaya gurmadkeeda.

 



211 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines