Zambia Oo Mastaafurisay Sarkaal Shiinees Ah Oo Aflagaado Lagu Helay.

Dowlada Zambia ayaa masaafurisay sarkaal ka madax ahaa shirkada warbaahinta ee shirkadda TopStar Communications Company Limited kadib markii lagu eedeeyay inuu hadalo aflagaado iyo isir nacayb ah ku hadlay.

Sarkaalkan la mastaafuriyay oo magaciiisu yahay Yi Jian ayaa lagu mastaafuriyay warqad ka soo baxday Wasaarada Arimaha Gudaha ee Zambia oo uu ku saxeenan yahay Wasiir Stephen Kampyongo.

Waxaa laga saaray wadanka maxaa yeelay waxaan xaqiiqsanay in joogitaankiisa Zambia iyo dhaqankiisuba inay qatar ku yihiin nabadda iyo kala dambeynta iyo wanaagba”, ayuu yidhi afhayeenka waaxda socdaalka ee Zambia Mr.Namati Nshinka.

Mas’uulka Shiinaha ah ee la mastaafiriyay ayaa laga duubay isaga oo marar badan hadalo aflagaado iyo cunsiriyad ah kula kacaya shaqaalaha ka hawlgala Top Star, iyo sidoo kale masuuliyiin dawlada ah, mana aha mar iyo laba ee waa marar badan”, ayuu raaciyay afhayeenku.

Mr Yi kama hadlin mastaafirinta lagu sameeyay, waxan ay dawladu mar kale sheegay in uu ku gafay xeerka anshaxa shaqada